Haddii muddadaada dhiiga caadada uu daah yahay, waxaad yeelan kartaa uur. Waxaad samayn kartaa baadhitaanka uurka si aad u ragto haddii aad uur leedahay. Waxaad ka iibsan kartaa baadhitaanka uurka xaga subarmaarkadka, farmasiilaha ama faramasiiga. Tani waa baadhitaanka kaadida. Natiijooyinka saxda ah, waa shayga u fiican in la sameeyo baadhitaanka ka dib muddada dhiigaaga caadada markay daahday ilaa dhowr maalmood.
Baadhitaanka kaadida
Sug ilaa 5 daqiiqo wixii natiijada ah. Waxay ka muuqan doontaa shaashada baadhitaanka. Uur ayaad leedahay keliya haddii calaamadu ay ka muuqato labbada daaqadood ee badhitaanka.

Sug ilaa 5 daqiiqo wixii natiijada ah. Waxay ka muuqan doontaa shaashada baadhitaanka. Uur ayaad leedahay keliya haddii calaamadu ay ka muuqato labbada daaqadood ee badhitaanka.
Astaamaha uurka
Haweenka qaarkood waxay leeyihiin astaamaha uurka u horeeya goor hore oo uurka ah.
Qiimaha baadhitaanka uurka
Baadhitaanka uurka aad iibsan karto naftaadu (baadhitaanka uurka) kharashyada udhexeeya € 5 iyo € 15. Waxaa jira summado kala duwan baadhitaanka ah. Waxaad dooran kartaa ka uu yahay nooca baadhitaanka adiga kuu wanaagsan
Uuraysashada
Macluumaad badan oo ku saabsan helida daryeelka caafimaadka?
Dhakhtarka guud
Waxaad kala hadli kartaa dhakhtarka guud wax ku saabsan mowduuc kasta oo kalgacal. Haddii ay lama huraan tahay, dhakhtarka guud waxa uu kuu gudbin kara adiga xirfad yaqaan caafimaad oo takhasus leh. Qaxootiga la siiyay magangalyo (ku meel gaadh ah) waxay doortaan dhakharka guud ee degmadda. Magangalya doonka ku jira xarumaha magangalya doonka waxa kula tashan karaan dhakhtarka guud xaga xarunta.
Ummulisada
Isla marka aad ogaato inaad uur leedahay, waxaad ballan la samaysan kartaa ummulisada aagaaga. Ummulisadu waxay taageertaa oo la talisaa adiga muddada uurkaaga, ummulida iyo muddada islamarkaa aad ummusho.
Dhakhtarka cudurada haweenka
Haddii aad uur leedahay oo lagu soo gudbiyay, waxaad booqataa dhakhtarka cudurada haweenka. Ummulisada ama dhakhtarka guud ayaa ku gudbiya.