Macluumaad badan oo ku saabsan helida daryeelka caafimaadka

Waxaad ka heli kartaa faahfaahinta xidhiidhka xirfad yaqaanada caafimaad hoos. Waxaad ku kala sooci kartaa xidhiidhada mowduuc ahaan. 

Adeega caafimaadka degmadda ee dad waynaha
Eray soo gaabinta Dhajka ah ee GGD waxay u taagantahay Degmadda ama Adeega Caafimaadka Wada jirka ah Netherlands waxay u kala qaybsan tahay gobolo kala duwan oo gobol kastaa waxaa daboola adeega caafimaadka degmadda ee dad waynaha. Adeega caafimaadka degmadda ee dad waynaha waxa uu xooga saaraa caafimaadka dad waynaha ee mujtamaca, Waxaad tegi kartaa halkaas si ilmahaaga loo tlalaalo, wixii tallaalo ah, ee marka aad u safrayso wadan kale, ama haddii aad doonayso in lagaa baadho cudurada STI.
Adeega saacadaha Dhakhtarka guud shaqada ka maqan yahay
Waxaad wici kartaa Adeega saacadaha Dhakhtarka guud shaqada ka maqan yahay (huisartsenpost) ee fiidka ama dhammaadka todobaadka. Waad booqan kartaa haddii aad u baahantahay daryeel degdeg ah. "Degdeg" macanheedu waxa weeye dhibta caafimaadka ma sugu karto ilaa maalinta shaqada xigta ee dhakhtaarkaaga guud. Markaad wacdo, go'aan ayaa la gaadhaa haddii aad u baahantahay inaad booqato adeega saacadaha dhakhtarka guud shaqada ka maqanyahay.
Basaliga ku jira Buluugu
Goobta xidhiidhka booliska ee khaniisada, khaniisinta iyo kuwa sinjigooda beddelay.
Booliska
Caawimada xaalada nolosha halis gelinaysa
101
Daryeelka dhalmada ka dambeeya
Maalmaha u horeeya ka dib ummulida waxaad taageero ku heshaa guriga oo ka timid caawimada hooyada dhasha. Waxay caawisaa daryeelka ilmahaaga cusub ee dhashay. Caawimada hooyada dhashay waxaa kharashka lagu siiyaa xidhmada caymiska caafimaadka (basisverzekering).
Daryeelka ilma korinta
Daryeelka ilma korinto waa doorasho haddii (si ku meel gaadh ah) aanad awoodin inaad daryeesho ilmahaaga.
Daryeelka iyo taageerada muddada uurka
Isla marka aad ogaato inaad uur leedahay, waxaad ballan la samaysan kartaa ummulisada aagaaga. Ummulisadu waxay taageertaa oo la talisaa adiga muddada uurkaaga, ummulida iyo muddada islamarkaa aad ummusho. Ummulisadu sidoo kale waxay talo ka bixin kartaa kiniinka ka hortaga uurka.
Dhakhtarka cudurada haweenka
Haddii aad uur leedahay oo lagu soo gudbiyay, waxaad booqataa dhakhtarka cudurada haweenka. Ummulisada ama dhakhtarka guud ayaa ku gudbiya.
Dhakhtarka guud
Waxaad kala hadli kartaa dhakhtarka guud wax ku saabsan mowduuc kasta oo kalgacal. Haddii ay lama huraan tahay, dhakhtarka guud waxa uu kuu gudbin kara adiga xirfad yaqaan caafimaad oo takhasus leh. Qaxootiga la siiyay magangalyo (ku meel gaadh ah) waxay doortaan dhakharka guud ee degmadda. Magangalya doonka ku jira xarumaha magangalya doonka waxa kula tashan karaan dhakhtarka guud xaga xarunta.
Dhalin yar oo uur leh
Haddii aad uur leedahay ama aad dhashay ilmo, oo aad ka yartahay 23, waxaad halkan u tegi kartaa caawimo.
Dhalmo la'aan
Haddii aanad si dabiici ah u uuraysan karin, waxaad la xidhiidhi kartaa xarunta dhalmo la'aanta.
Dhiscaynta ilmaha
Haddii uurku si kedis ah u soo af jarmo saddexda bilood ee u horeeya uurkaaga, waxaad leedahay dhicisaynta ilmaha. La xidhiidh ummulisadaada ama dhakhtarka guud haddii ay tani dhacdo.

Pages

Qaamuuska iyo turjumaadaha