Zanzunl waxaa leh Rutgers, Arthur van Schendelstraat 696, 3511 MJ te Utrecht.  

Websaydka www.zanzu.be iyo www.zanzu.de waa uu kala duwanyahay qaybaha qaarkood. Sensoa waxay masuul tahay waxay ka koobantahay qaybta Beljamka ah ee websaydka. Xarunta Federaalka ee Waxbarashadda Caafimaadka (BZgA) waxay ka masuul tahay qaybta Jarmalka ee websyadka.

Rutgers, waa xarunta Dhajka ee khibrada caafimaadka galmada iyo xuquuqaha oo waxaa maalgeliya Wasaarada Caafimaadka, Daryeelka iyo Ciyaaraha. Waa urur aan macaash doon ahayn, oo aan lahayn ujeedooyin dhaqaale.

Isticmaalka

Rutgers ujeedadeedu waa in la ilaaliyo dhammaan macluumaadkeeda sidii mid casri ah, ku saabsan, sax ah, dhammaystiran, la fahmi karo oo dhab ah sida suuraglka ah. Si kastaba ha ahaatee, ka sakow dedaalkayaga sii socda, ma awoodno inaanu damaana qaadno dhammaan macluumaadka inay had iyo jeer buuxin doonaan heerka qiimaynta.

Maadaama aanu ku dedaalno fahanka iyo sax ahaanshaha, waxaanu dooranay inaanu isticmaalno luqad cad oo muuqata. Ujeedada tani maaha inaanu cid ka cadhaysiino, laakiin waa inaanu ku bixino wax kasta magaceeda oo aanaan waxba qarin.

Zanzu.nl sifo ahaan waa mid waxbarasho oo ma beddelo booqashada loogu tago dhakhtar.

Rutgers waxay isku daydaa inay iska ilaaliso dhammaan ceebaha farsamada. Si kastaba ha ahaatee, ma damaana qaadno inaanu si buuxda uga madax banaanaan karno ceebaha farsamo. Waxaanu had iyo jeer ku dedaalnaa inaanu u xalino kuwan sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah.

Rutgers kama masuul ahaan doonto wax waxyeelo toos ah ama aan toos ahayn ee ka dhacda iyaddoo ay sababtay isticmaalka Zanzu.nl ama ay sababtay macluumaadka ay ka koobantahay, ay ka mid tahay ta soo socota ee aan xadka lahayn: dhammaan khasaaraha, soo dhex galka shaqada, waxyeelada barnaamijyada ama xogta kale ee ku kaydsan nidaamka kombuyuutarka, qalabka ama barnaamijyada.

Ilaalinta xogta gaarka ah

Rutgers waxay ahmiyad wayn saartaa tixgelinta gaar ahaanshaha dadka.

Haddii lagu waydiiyo maclumaad, markaas waxaan tan ula dhaqmi doonaa si waafaqsan shuruudaha sharciga ee 8 Diisambar 1992 ee ilaalinta gaar ahaanshaha shakhsiga ah iyo sidoo kale Dardaaranka 95/46/EC ee 24 Oktoobar 1995 ay soo saareen Baalamaanka Yurub iyo Gollaha Yurub ee ilaalinta xogta gaarka ah ee ku xidhan habbaynta xogta gaarka ah iyo ka qayb noqoshada dhaqdhaqaaqa xorta ah ee xogtan.

Xogta gaarka ah waa la ururin doonaa oo la habbayn donaa si loo horumariyo macluumaadka la cosaday ama loo sameeyo adeega la rabo. Uma gudbin doono macluumaadna kooxda saddexaad iyaddoonu jiray oggolaanshahaaga degdega ahi, Waxaanu ukaydinaa macluumaadka iyaddoo magaca la qarinayo.

Boggan waxa uu adeegsadaa adeegyada Shabakada Mollom Markaad ka dirto foom boggan, waxaad aqbashay xogta aad gelisay in la baadho oo la kaydiyo wixii ujeedooyinka ku lidka ah fariimaha la iska diro iyo maamulka tayada. Macluumaadka dheeraadka ah ee ku saabsan tan, fadlan ka eeg Xeera Adeega Gaar ahaanshaha Shabakada Mollom.

Talo soo jeedinaha

Ulama dhaqmi doono talo soojeedin kasta oo aad noo soo dirto sidii mid qarsoodi ah. Waxaanu u isticmaalnaa xogtan sida aanu u aragno inay habboontahay, laga reebo xayiraadaha nidaaminta xogta gaarka ah ee ka kooban sharciga 8 Diisambar 1992 ee dhowrista gaar ahaanshaha shakhsiyeed.

Haybarlinkiyada iyo tixraacyada

Haybarlinkiyada ama linkiyadu waxay kuu tixraacaan websaydyo kale oo ay maamulaan kooxo saddexaad. Ma awoodno inaanu damaana qaadno dhammaystiranka ama sax ahaanshaha waxay ka koobanyihiin websaydyadan iyo ilaha macluumaadku. Linkiyada waxaa loo bixiyaa sidii macluumaad dheeraad ah.

Rugters ma aqbasho wax masuuliyad toos ah ama aan toos ahayn waxyeelo ka timid la tashiga ama isticmaalka noocyadan macluumaadka wabsaydyada dibada.

Xuquuqaha hantida garaadka

Waxaad xaq u leedahay inaad la tashato macluumaadka ku jira websaydka, soo dejiso tan wixii ah isticmaalka shakhsiyeed oo dib ugu soo saarto wixii ujeedooyin aan ganacsi ahayna hadidi aad sheegto isha macluumaadka sida waafaqsan shuruudaha sharciga 30 Juun 1994 ee khuseeya xuquuqda daabacaada iyo xuquuqaha la xidhiidha.

Tusaale ahaan, waa inaad u gudbisaa macluumaadkan sida soo socota: "qaybaha qoraalkan waxaa laga soo qaaday zanzu.nl."

Oggolaanshahan kuma habboona qoraalada ka kooban xayiraadaha isticmaalka muuqda. Oggolaanshaha hore had iyo jeer waxaa looga baahanyahay dib u soo saarida ama isticmaalka macluumaadka maltimeedhiyaha (sawirada, codadka, sooftiweerka, iwm) Fadlan iimayl u dir webmaster@sensoa.be wixii faahfaahin dheeraada ah.

Rutgers waxay haysataa dhammaan xuquuqataa hantiga garaadka ah ee websaydka iyo macluumaadka ay soo diyaariso.

Khilaafyada

Haddii aad qabto wax cabashooyin ah oo ku saabsan adeegyada, fadlan buuxi foomka cabashooyinka. Waxaanu keliya wax ka qaban doonaa cabashooyinka Dhajka ah ama Ingiriisiga. Waxaanu baadhi doonaa sifada cabashadaada iyo waxa dhacay. Waxaanu isku deyo doonaa inaanu kuugu jawaabno sida dhakhsaha ah ee suuragalka ah oo waxaanu doonaynaa inaanu kuugu jawaabno adiga gudaha muddada hal bil. Si kastaba ha ahaatee, haddii aanay tani suuragalin sababtoo ah cabashadu waxay u baahantahay baadhitaan dheeraad ah, markaa waanu kugu wargelin doonaa.  Waxaanu ka fekernaa cabashada sidii mid wax laga qabtay haddii ku qancis leh looga jawaabay si la siman cabashada ama haddii aad nagu wargelisay inuu wax kastaa habbaysan yahay.

Heshiiskan onlaynka ah iyo dhammaan khilaafyada ka yimaada isticmaalka boggan ama macluumaad kasta oo gudaha boogan ka koobanyahay waxa uu hoos yimaadaa dharciga Beljamka. La tashiga websaydkan waxa uu maldahayahaa inaad adeecayso cadaalada sharciyada Antwerp gudaha Beljam oo aad aqbasho oo aad keliya keeni doonto kiisas kasta maxkamaddaha hore loo sheegay.

Marka aad isticmaalayso websaydkan internatka, waxaad aqbalaysaa shuruudaha iyo xeerarka hore loo sheegay.

Qaamuuska iyo turjumaadaha

Ma u baahantahay caawimo gaar ah? Hel urur

La xidhiidh