Haddii aad hayso su'aalo ku saabsan noloshaada galmada ama xidhiidhka, ama haddii aad qabto dhibaato, waxaad la hadli kartaa xirfad yaqaano caafimaad oo kala duwan. Waxaad had iyo jeer u tagtaa dhakhtarkaag guud marka koowaad. Haddii ay lama huraan tahay, xirfad yaqaanka caafimaad waxa uu kuu gudbin karaa adiga dhakhtar takhasus leh, tusaale dhakhtarka haweenka, ummuliso, (galmada) daaweeyaha ama dhakhtarka cilmi nafsiga.
Dhakhtarka cilmi nafsigu/ dhakhtarka dhimirka waxay kaa caawin karaan adiga haddii aad la dhibtoonayso walbahaar, aad la nooshahay HIV ama aad qabto dhibaatooyinka xidhiidhka.
Maxaa lagala hadlaa xirfad yaqaanka caafimaadka?
Waxaad kala hadli kartaa xirfad yaqaanka caafimaadka wax ku saabsan arrin kasta oo kalgacal. Tusaale ahaan:
Sida loola xirfad yaqaanka caafimaadka
Haddii aad doonayso inaad la hadasho xirfad yaqaanka caafimaadka tilmaamahan waxay noqon karaan diyaar:
- Ka feker dhibaatada ama su'aasha aad rabto inaad ka hadasho.
- Ka feker waxaad ka doonayso xirfad yaqaanka caafimaad. Tusaale ahaan: ma doonaysaa talo. baadhitaanka STI ama u gudbinta khabiirkta?
- Caddee haddii mowduuca uu adag yahay adigu inaad ka hadasho.
- Sharax dhibaatadaada ama su'aasha sida gaarka ah ee suuragalka ah. Tusaale ahaan: "ma awoodo inaad helo kacsi."
- Ka feker klemaddah aad isticmaali doonto. Qaamuuska erayda websaydka wuu caawin karaa,
- Waxaad qaadan kartaa qof aad ku kalnsoontahay, markaas isaga/ iyaddu wuu ku caawin karaa.
Inta badan way adagtahay in lagala hadlo mowduucyada kalgacalka xirfad yaqaankacaawimaad, laakiin tani waa qayb ka mid ah shaqadooda. Way yaqaanaan mowduuyadan.
Gaar ahaanshaha
Gaar ahaanshahaaga waa la ilaaliya amarka aad la hadasho xirfad yaqaanka caafimaadka. Xirfad yaqaanadu ma wadaagi karaan macluumaadka aa du sheegto.