Galmadu waxay tixraacdaa dhammaan falalka galmo ahaan dareenkaaga kiciya. Galmadu way ka badan tahay uu in la isku galmoodo. Waxaa ka mid ah sida dhunkashada, salaaxida iyo galmada afka ah. Sidoo kale waxaad u galmood kartaa naftaada. Tan waxaa loogu yeedhaa siigaysi.
Galmadu waa qaybta xudunta u ah nolosha aadamaha. Waa caadi oo waa qaab wanaagsan in naftaada la caddeeyo. Galmadu waxay ku lug leedahay may galmo keliya laakiin arrimo kale. Tusaale ahaa: farxada galmada iyo kalgacalka, qaabka jidhka iyo helida carruurta, siiba waxyaabaha mamnuuca ah iyo qiyamka ku xeeran qaabka galmada.
Sababaha galmada loo sameeyo
Waxaad galmada u samaysaa dhowr sababood oo kala duwan Tusaale ahaan, sababtoo ah waxaad doonaysaa inaad:
- carruur hesho;
- khibrada ka hesho farxada galmada;
- muujiso jacalyl iyo dareeno kale;
- la kulanto kalgacalka;
- nefis
Qaababka kala duwan ee loo galmoodo
Waxaad u samayn kartaa galmada qaabab kala duwan:
- wasmada;
- salaaxa;
- Ku dhegida;
- dhunkashada;
- kicinta aagaga dareenka kacsi leh ee jidhka.
Waxaad u galmoon kartaa qof kale ama naftaada (siigaysi)
Galmado keliya kuma saabsana farsamooyinka saxda ah. Waa muhiin in dareenka loo soojeediyo dareemada iyo rabitaanka qofka kale, si loo wadaago kalgacal oo loo sameeyo jawi sax ah.
Tijaabi oo ogow waxa adiga iyo lamaanahaagu aad ugu jeceshihiin. Kala hadal lamaanahaaga wax ku saabsan rabitaankaaga iyo dareemada. Waxaad sidoo kale u tijaabin kartaa iskaa
Galmadu way kala duwanaan kartaa wakhti kasta.
Nolosha galmada dadka way isbeddeli kartaa muddada noloshooda. Tusaale ahaan: sababtoo ah jidhkooda ama rabitaanka galmada ayaa isbeddesha. Tani waa caadi. Dadka qaarkood ma galmoodaan muddo wakhti gaaban ama dheer.
Xidhiidhada kala duwan iyo nolosha galmada
Dadku waxay leeyihiin noocyo badan kala duwan oo xidhiidho ah iyo nololo galmo Tusaale ahaan: dadka qaarkood waxay isu galmoodaan ka hor guurka, oo kuwa kale waxay sugaan ilaa ka dib. Dadka qaarkood waxay leeyihiin 1 lamaane, kuwa kalena waxay leeyihiin dhowr.
Dadka isku sinjiga ah sidoo kale way isku galmoon karaa (khaniisnimo).
Oggolaanshaha galmada
Wakhti kasta oo aad galmo samayso waa inaad bixisaa oggolaanshahaaga oo aad diyaar noqotaa. Galmada labbada ah macnaheedu waxa weeye in labba qof ay doonayaan inay sameeyaan galmo. Labbada qof waxay go'aan ka gaadhi karaan inay joojiyaan wakhti kasta.
Qofna haha yeelin inuu kugu khasbo inaad galmo la samayso.
Guddaha Netherlands, da'da sharciga ugu yar ee xidhiidhka galmada waa 16 sano jir. Sharcigu waxa uu halkaas u joogaa inuu ka ilaaliyo dadka dhalin yarta ah xad gudubka galmada. Haddii labbada qof ee dhalinta yar ay aqbalaan iyo faraqa u dhexeeya da'ahooda aanu aad u waynayn, si dhif ah ayaa loo ciqaabaa.