Xadadkaaga waxay kuu sheegaan karaan waxaad aqbali karto xidhiidhka ama la xidhiidhka qof ka baxsan xidhiidhka. Qof ka soo gudbo xadadkaaga maaha wax ixtiraam leh. Daacadnimadaadii waa la dhaawici karaa.
Xaalada waxauu noqon karaa wax ku saabsan arrimo kala duwan oo xidhiidhka ah. Tusaale ahaan:
- Ma doonaysid in lagu caawo;
- ma doonaysid inaad samayso galmo(weli);
- ma jeclin nooc galmo ah;
- ma doonaysid dagaal.
Qof xadadkiisu waa laga soo tallaabay marka isaga/iyada aanay aqbalin waxa dhacaya iyo qaabka ay u dhacayso.
Si loo tixgeliyo xadadka, labbada lamaane:
- waa inay aqbalaan waxa dhacaya
- waa inaanay isticmaali ama dareemin cadaadis;
- waa inay noqdaan lamaanayaal siman (mid waa inaanu ka awood badan ka kale).
Ku dheh "maya"
Haddii aad dareento in xadadkaaga laga soo gudbay, dheh "maya". Lamaanahaagu waa inuu tixgeliyaa doorashadaada. La hadal lamaanahaaga ku saabsan waxa aad doonayso iyo sida aa dareento:
- Aad u caddow:
- Istaag ama si quman isku taag oo eeg indhaha lamaanahaaga.
- Sharax sababta aad u tidhi "maya".
- Haddii ay lama huraantahay, ku celi fariintaada.
- Ha dareemin fal dambiyeed.
- Ha samayn ballamo aanad ilaalin karin.
Ku dheh "maya" way adagtahay, laakiin waa qaabka loola xidhiidho lamaanahaaga waxay yihiin xadadkaagu. Xadadkaagu waa inay u cadadaan lamaanahaaga. Haddii "maya" aanu lamaanahaagu aqbalin, hel caawimo xirfad yaqaan ama qof kala tasho adiga kuu dhow.
Waxaad ka baqan kartaa inaad waydo lamaanahaaga. Go'aan ka gaadh lamaanahaagu adiga ayuu kuu fiicanayahay, haddii isaga /iyaddu uu ku sii wado inuu kugu khasbo samaynta waxyaabaha aadan doonayn inaad samayso.
Dhaqanka galmada ee xun
Marka xoog laguugu qanciyo inaad samayso shay ama hanjabaad, tan waxaa loo yaqaanaa khasbid. Marka uu jiro khasab, xadadkaaga lama tixgelinayo. Haddii lagugu khasbo noocyo gaar ah oo falal galmo ah (tusaale ahaan: galmo, dhunkasho, taabasho, faallooyinka galmada, shaqo galmo) tan waxaa loogu yeedhaa dhaqanka xad gudubka galmada ama xad gudubka galmada.
Tixgelinta mid kasta xad kiisu waa muhiim. Xad gudubku waxa uu sababi karaa dhibaatooyinka nafsiga iyo caafimaadka ah, Taa ka sakow, dhaqanka xadgudubka galmada iyo qaababka kale ee dagaalka lamaanaha waxa mamnuucay sharciga.
Haddii ay dhibaato kaa haysato ku qancinta lamaanahaaga inaad isku galmootaan, isku day inaad ka wada hadashaan. Galmadu way ka badan tahay uu in la isku galmoodo. Inaad jidh ahaan isku soo dhowaataan si siman ayay ugu muhiim u tahay fayo qabkiina iyo xidhiidhkiina.
Xad gudubka galmadu waxa uu sidoo kale dhici karaa meel ka baxsan xidhiidhka tusaale ahaan qaraabada, macaariifta iyo lamaanayaashii hore.
Raadinaya caawimo
Haddii aad la kulanto dhaqan xad gudubka galmo ah ama dagaalka lamaanaha oo kale, raadi caawimo:
- La hadal qofka aad ku kalsoontahay.
- La hadal xirfad yaqaanka caafimaadka. Ha dareemin fal demiyeed ama khajilaad. Waxay ku dhacdaa dad badan.
La xidhiidh booliska haddii aad doonayso inaad ka warbixiso qof wixii ah dhaqanka xad gudubka galmada ama nooc kale oo dagaalka lamaanaha ah.