Sharci ahaan, dakda jooga Yurub waxay si xor ah u dooran karaan lamaanahooda.
Dadka waxay doortaan lamaane iyaddoo ku salaysan dhowr qiimaynood, oo inta badan ma ogsoona waxay ku dabaqaan qiimaynahan. Dadka qaarkood way ogsoonyihiin iyaga oo keliya waxay doonayaan lammaan buuxiya qiimayntoodaas. Tusaale ahaan:
- asalka;
- shakshiyada;
- caqli wanaaga;
- maadaynta;
- xaalada dhaqaale;
- muuqaalka.
Labbadaba raga iyo haweenku waxay qaadan karaan qorshaha lagu bilaabayo xidhiidhka.
Wakhtiyada qaarkood waalidka ama xubnaha kale ee qoysku waxay doortaan qofka ilamahoodu uu guursan doono. Tan waxaa loogu yeedhaa guurka la qorsheeyay. Dadka dhalin yarta ah ee ka qayb ah inta badan waxay go'aan ka gaadhaan haddii ay doonayaan inay guursadaan ama aanay guursan, laakiin tani inta badan maaha xaalada. Guurka khasabka ah waxaa mamnuucay sharciga.