Xubnaha taranka ee ku yaala gudaha jidhka (xubnaha taranka galmada) waxa weeye:
- xiniinyaha;
- tuumbada ka dambaysa xiniinyaha;
- tuumbada shahwada;
- borostaydka;
- qanjidhada shahwada.
Ninka sidoo kale leh muruqyda misigta xaga xalka calooshiisa. Maaha xubnaha galmada laakiin waxay muhiim u yihiin fayo qabka galmada ninka iyo farxada galmada.
Xiniinyaha
Ninku waxa uu leeyahay 2 xiniinyood: hal ka mid ah xiniinyahu waxay ka yartahay ta kale oo waxay ka laalaadaa meel ka yar hoosaysa.
Xiniinyahu waxay ku jiraan kiishka xiniinyaha.
Xiniinyahu waxay soo saaraan malaayiin unug oo mani ah.
Tuumbada ka dambaysa xiniinyaha;
Ninku waxa uu leeyahay 2 tuumbo ka dambeeya xiniinyaha.
Mid kastaa waxa uu ku xidhanyahay xiniinyaha.
Unugyada shahwada waxaa lagu hayaa xiniinyada. Waxay sidoo kale ka kori karaan wax badan halkaa.
Tuumbada shahwada
Ninku waxa uu leeyahay 2 tuumbo oo shahwadeed
Mid kastaa waxay ku xidhan tahay tuumbada ka dambaysa xiniinyaha.
Waxay u soo qaadaan unugyada shahwada borostaydka.
Qanjidhka borostaydka
Borostaytku waxa uu ka hooseeyaa kaadi haysta. Waxay la cabbir tahay midhaha shaanida.
Dheecaan ayaa lagu daraa unugyada manida ee ku jira borostaydka. SI wada jir ah dheecaanka iyo unugyada manida ayaa sameeya shahwada. Muddada biyo baxa borostaydu wuu soo ururaa oo waxa uu riixaa shahwada. Afaafka kaadi haysto sidoo kale waa uu soo ururaa isku wakhti Tani waxay ka hor istaagtaa shahwadu inay gasho kaadi haysta oo waxay ka joojisaa kaadida inay ku darsanto shahwada.
Qanjidhada shahwada.
Ninku waxa uu leeyahay 2 qanjidhada shahwada ah. Waxay ku xigaan qanjidhka borostaytaka. Waxay ku daraan dheecaan badan unugyada shahwada.