Xuquuqaha galmada iyo taranku waa qayb xuquuqaha aadamaha ah. Xuquuqaha aadamaha waxaa lagu qoraa sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah, oo waxaa saxeexay ugu badnaan wadan kasta oo adduunka ah. Netherlands way saxeexeen iyagu sidoo kale oo waxay ixtiraam u hayaan xuquuqahaas.
Xuquuqda galmada
Marka xuquuqaha galmada waa la tixgeliyaa, dadka waxay awoodaan inay xiiseeyaan mid lagu qanco iyo galmo badbaado ah iyoxidhiidho jacayl ah.
Tan macnaheedu waxa weeye xidhiidhadan waa ka xor khasab ama dagaal iyo iyaddoon laga baqan cudur, ama uur aan lagu talo gelin.
Xuquuqaha taranka
Caafimaadka taranka waxa uu la xidhiidhaa uurka, ummulida iyo go'aan ka gaadhida haddii iyo marka carruurta la dhalayo. Marka xuquuqda taranka la tixgeliyo, dadka waxay sameeyaan doorashooyin xor ah oo ku saabsan uur yeelashada, isticmaalka ka hortaga uurka ama samaynta ilma iska soo ridka.
Waa maxay kuwan xuquuqaha galmada iyo taranka aasaasiga ah?
Nolosha runta ah.
Waxaad leedahay xaqa aad ku hesho ta ugu fiican ee la heli karo ee daryeelka caafimaadka muddada uurka iyo ummulida. Xirfad yaqaanada daryeelka caafimaad waxay samayn doonaan dhammaan waxay samayn karaan si ay u ilaaliyaan nafta iyo caafimaadka iyo ilmahaaga. Waxaad leedahay xaqa aad ku hesho daryeelka caafimaadka aad u baahantahay.
Xaqa xoriyada gaarka ah iyo badbaadada
Waa inaad maamushaa jidhkaaga iyo noloshaada galmada. Waxaad leedahay xaqa aad ku xiisayso taada ahgalmadda oo waxaad xor utahay wax kasta iyo goorta carruur lagu dhalo iyo inta aad doonayso inaad haysato.
Sidoo kale waxay la macno tahay khasabka, dhaqanka galmada xad gudubka ah iyo ka faa'iidaysigu waa mamnuuc sharci ahaan.
Xaqa sinaanta
Waxaad leedahay xaqa in laguula dhaqmo si sinaan ah oo aan lagu takoorin sababtoo ah isirkaaga ama asalka qaranka, sababtoo ah diintaada ama fikradaha siyaasadeed, xaalada caafimaadka, qaabka galmada, sababtoo ah waxaad tahay nin ama haweenay ama sabab kasta oo suuragal ah. Raga iyo haweenku waxay leeyihiin xuquuq siman.
Xaqa gaar ahaanshaha
Waxaad leedahay xaqa aad ku samayso doorashooyinkaaga ku saabsan galmada aan baqdinta lahayn ee falcelinta xun ama cadaadiska leh. Tan macnaheedu waxa weeye xirfad yaqaanda daryeelka caafimaadka iyo adeegyada bulshaddu waa inay tixgeliyaan gaar ahaanshahaaga. Waxaa ku waajibiyay sharciga inay macluumaadkaaga u hayaan qarsoodi. Waa mamnuuc sharci ahaan in la wadaago natiijooyinka baadhitaanka HIV dadka kale haddii qofka la baadhay aanu bixin/ oggolaanshahiisa ama keeda tan.
Xaqa xoriyada fekerka
Waxaad leedahay xaqa aadku haysato fikradaada ku saabsan galmada iyo caafimaadka galmada oo waxaad leedahay xaqa aad kaga hadasho iyadda.
Xaqa macluumaadka iyo waxbarashadda
Waxaad leedahay xaqa aad ku hesho dhammaan macluumaadka iyo waxbarashadda aad u baahantahay inaad daryeesho caafimaadkaga galmada iyo taranka. Tusaale ahaan: macluumaadka sida jidhkaagu u shaqeeyo, iyo ka hortagga uurka, cudurada galmada lagu kala qaado (STIs), xuquuqahaaga.
Xaqa inaad guursato ama aanad guursan oo aad bilowdo qorshe qoys.
Qofna xaq uma laha inuu kugu khasbo adiga ama inay ku gaadhaan go'aandan magacaaga
Xaqa carruur lagu dhalo ama aan lagu dhalin
Waxaad leedahay xaqa aad ku gadho qaababaka badbaadada ah ee ka hortagga uurka, sida kiniinka ka hortagga uurka, IUD ama kondhomyada.
Xaqa daryeelka caafimaadka
Gudaha Netherlands qof kasta, uu ka mid yahay dadka aan lahayn sharciga degenaanshaha, waxay leeyihiin xaqa daryeelka caafimaadka.
Xaqa xoriyada isku imaanshaha iyo ka qayb galka siyaasadeed
Waxaad leedahay xaqa iyaddoo aad la jirto dadka kale aad kaga hadasho wax ku saaxab galmada iyo xuquuqaha taranka si aad u qaado tallaabo oo aad u hubsato in xuquuqahan la tixgeliyay. Waxaad leedahay xaqa aad wax ku wacyi geliso ama ku waydiiso siyaasi inuu sameeyo go'aamo si loo damaana qaado xuquuqahan.
Xaqa lagaga xor ahaado jidh dilka iyo dawo dhaqan xumada.
Waxaad leedahay xaqa in lagaa ilaaliyo dhammaan noocyada dagaalka la xidhiidha galmada, sida dhibaataynta galmada, weerarka aan haboonayn ama kufsi, ka gacansiga dadka, ku xad gudubka carruurta ama goynta xubinta taranka dhediga.
Haddii aad qabto HIV, dowladda Dhajka kuuma diri karto wadan aadan ka sii wadan karin dawadaada.