Shahwada waxaa loo soo saaraa qaabka soo socda:
- Xiniinyahu waxay soo saaraan malaayiin unug oo mani ah.
- Unugyada manidu way bislaadaan oo waxaa lagu kaydiyaa dhuunta xininyaha dabiisa.
- Marka nin biya baxayo, unugyada manida oo waxaa soo riixa tuumbooyinka manida.
- Unugyada manida waxaa loo soo qaadaa qanjidhka borostaytka iyo qanjidhada shahwada Dheecaan ayaa lagu daraa unugyada manida. SI wada jir ah dheecaanka iyo unugyada manida ayaa sameeya shahwada.
- Shahwada waxaa ka soo saara guska xididka kaadida.

Goorta ninku wax rimin karo?
Ninku waxa uu soo saaraa shahwad marka ugu horaysa muddada qaan gaadhka. Guud ahaan, waxa uu wiilku noqdaa mid wax rimin kara inta u dhaxaysa 12 iyo 15. Markaas carruur wuu yeelan karaa. Xataa haddii u ugalmooda wakhtigii ugu horaysay.
Ninku waxa uu soo saaraa unugyada shahwada noloshiisa oo dhan. Waxa uu yeelan karaa carruur noloshiisa oo dhan.
Ka hortagga uurka: ka saarida ama madhalays ka dhigida
Haweenaydu waxay keliya uuraysataa haddii unugyada manida ay gasho haweenayda ilma galeen keeda iyadoo soo marta siilkeeda mudda maalmaha ay rimi karto.
Ka hor inta aanu biiyo bixin, ninku hadda ka hor waxa uu lumin karaa wax yar oo dheecaan ah oo ka koobnaan kara unugyada manida. Ka saarida guska ka hor biyo baxa maaha badbaado qaabka ka hortagga uurka
Ninka maray dhalma joojinta waxa uu soo saaraa shahwad aan lahayn unugyada manida. Waxa uu u samayn karaa galmo qaabka caadiga ah.