Muddada galmada raga iyo haweenku waxay maraan wejigo kala duwan oo kicitaan. Wejiyadu isugu mid maaha qof kasta oo way kala duwanaan karaan wakhti kasta.
- rabitaanka'
- kicida
- hamada'
- hoos u degida
Rabitaanka
Marka koowaad dareen rabitaankaaga galmada Waxaad dareentaa inaad galmoonayso.
Kicinta galmada
Haddii jidhkaagu kaco, ka dibna xiisaa ku qabanaya:
- gusku wuu adkaadaa, wuu waynaa oo sare ayuu ukacaa:tani waa kacsi (raga):
- siilku wuu qoyaa (haweenka);
- faruurta iyo kintirku way bararaan (haweenka);
- ibta naasuhu way adkaataa;
- wadnahu xoog ayuu ugaraacaa.
Markaad aadu kacdo, kicista jidhkaaga ayaa korodha.
Kicitaanka galmadu waxa uu ku xidhanyahay waxa ku dhaca jidhkaaga, laakiin sidoo kale waxa aad dareento oo ka fekerto. Waxaad sidoo kale u hayn kartaa dareemo kalgacal dhanka lamaanahaaga ama waxaad ku haysan kartaa male galmo gudaha madaxaaga.
Hamada
Hamadu waxa weeye sii daynta tamarta galmda jidhkaaga:
- muruqyada sagxada misigta way isku soo ururtaa;
- Ragu inta badan way bixiyo baxaan markay hamoonayaan. Shahwada way ka soo daroortaa ama degdeg ayay u ga soo baxdaa guska.
- Haweenka qaarkood waxay ;leeyihiin dheecaan siilka ah muddada hamada, oo la mid ah biyo baxa.
Raga iyo haweenka inta badan ma leh hamada sare oo farxadeed .
Hoos u degida
Hamada galmada ka dib, kicitaanku wuu iska tagaa oo jidhkaagu hoos ayuu udegaa.