Murugyada misigta waa muruqyada ku yaala caloosha hoosteeda. Labbada raga iyo haweenku waxay leeyihiin muruqyada misigta.
Murugyada misigta waxay leeyihiin saddex shaqo:
- Waxay ku ilaaliyaan kaadi haysta, xidmaha (raga iyo haweenka) iyo ilma galeenka (haweenka) meesha saxda ah.
- Si ay uga hortagaan kaadida iyosaxarada inay jidhka ka baxaan iyaddoon loogu talo gelin.
- Waxay muhiim u yihiin farxada galmada iyo fayo qabka galmada.
Muruqyada misigtu waxaa loo tababaraa si fudud.
Haweenay
Haddii haweenaydu ay werwersantahay ama adagtahay, waxay si aad diyaar ahayn u soo ururisaa muruqyada misigta muddada galmada. Siilku waxa uu noqon karaa mid aad u giijisan oo gelinta waxay noqotaa mid adag oo aan suuragal hayn. Isku day inaad ogaato waxa sababa muruqyadu inay isku ururaan. Kala hadalka lamaanahaagu way ku caawin kartaa.
Haddii haweenayda ay soo ururiso muruqyadeeda misiga muddada hamada, waxay kordhin kartaa farxada ay dareento.
Muddada uurka, haweenayda muruqyadeeda misigtu way kala baxaan. Ummulida ka dib, muruqyadu waxay u baahanyihiin jimicsi si ay u bogsadaan. Waydii xirfad yaqaanka caafimaadka wixii talo ah.
Raga
Muruqa misigta waxa uu ka caawiyaa ragu inay helaan oo ay sii kacsadaan.