Muddada dhiiga caadada: bilowga wareega
Waxaad uuraysan kartaa bil kasta maalmo gaar ah oo ka mid ah wareegaaga. Wareegaagu waxa uu bilaabmaa maalinta u horaysa ee aad ka waydo dhiiga dhexda siilkaaga. Tan waxaa loogu yeedhaa muddada dhiiga caadada.
Wareegaagu wax uu dhammaadaa 28 maalmood.
- Haweenka qaarkood waxay leeyihiin wareeg ka yar oo kuwa kalana waxay leeyihiin mid ka dheer.
- Wareegu waxa uu dhamaadaa inta u dhexaysa 25 iyo 35 maalmood.
- Haweenka qaarkood waxay leeyihiin wareeg aan caadi ahayn. Bil kasta, wareegoodu waxa uu ku kala duwan yahay dherarka.
- Dherarka wareega haweenku waa uu isbeddela muddada cimriga nolosha. Muddada baaluqida, wareegu inta badan waa mid aan caadi ahayn.
Soo saarida ugxanta
Ilaa 14 maalmood ka hor bilowga wareega xiga, sii daynta ugxanta ayaa dhacda. Tani waa marka unuga ukunta ay ka tagto ugxansidaha.
Ka dib sii daynta ugxanata unugu ukunta waxaa loo qaadaa makaanka iyaddoo maraysa tuumbada faloob. Ilaa 4 ilaa 5 maalmood ka dib siidaynta ugxanta, unuga ukunta waxa uu gaadhaa ilma galeenka. Ilma galeenka waxa uu u diyaar garoobaa abqaalida unuga ukunka.
Bacriminta unuga ukunta
Waad uuraysan kartaa haddii unuga manida ay bacrimiso unuga ukuntu. Tan waxay dhacdaa badanka dhexda galmada lala sameeyo ninka. Marka ninku biyo baxo, unugyada manida waxay gashaa siilka. Waxaad uuraysataa haddii:
- Hal unuga shahwada ah waxa uu galaa unuga ukunta oo waa uu bacrimiyaa, iyo;
- Unuga ukunta bacrintay waxay awoodaa inay ku abqaalanto gudahaxuubka dheecaanka leh ee ilma galeenka oo waxay bilowdaa inay halkaa ku korto.
Ka hor inta aanu biiyo bixin, ninku hadda ka hor waxa uu lumin karaa wax yar oo dheecaan ah oo ka koobnaan kara unugyada manida. Ka saarida guska ka hor inta aanu ninku biyo bixin sidaas awgeed way ka isku halayn yar tahay isticmaalka ka hortagga uurka.
Haddii aad uur leedahay, yeelan maysid muddada dhiiga caada. Si kastaba ha ahaatee, haweenka qaarkood waxay lumin karaa qayb dhiig ah bisha u horaysa ee uuraysiga.
Si kastaba ha ahaatee waxaad uuraysataa ilaa 6 maalmood bil kasta. Unuga ukuntu wax auu noolaadaa ilaa 1 maalin iyo unuga manida waxa uu noolaadaa 5 maalmood. Waxaad tahay mid rimaya ilaa 5 maalmooda laga bilaabo ka hor sii daynta ugxanta iyo 1 maalin ka dib sii daynta ugxanta. Maalmaha soo socda, ilaa maalmaha ka horeeya ugxan siidayntaada xigta, waxaad tahay mid rimaya.
Muddada dhiiga caadada: aan ahayn uur
Haddii ukunta aanay bacrimisnin, ilmagaellnku waxa uu soo saaraa ukunta iyo xuubka dhecaanka leh Waxaad heshaa dhiigaaga caadada: dhiigu waxa uu ka baxaa jidhkaaga oo sii maraa siilkaaga. Muddada dhiiga caadadu waxa uu gaadhaa 3 ilaa 7 maalmood. Wareega cusub waxa uu bilaabmaa wakhtigaas.
Ka hortagga uurka
Haddii aadan hayn rabitaanka carruur ku haysato hadda, isticmaal ka hortaga uurka.