Caabuqa siilka waa caabuq ah siilka oo waxa uu leeyahay astaamo la mid ah STI. Maaha STI Inta badan kama qaadid caabuqa dhexda galmada.
Caabuqan waxaa sababa fangas (dulin) ama bakteeriya (cudurka siilka bakteeriyada).
Waxaad kaga hortagi kartaa caabuqyada siilka haddii adigu aad si wanaagsan u daryeesho siilkaaga. Antibiyootiga iyo walbahaarku waxay sidoo kale sababi karaa caabuqa siilka. Keliya qaado antibiyootiga marka uu qoro dhakhtarku.
Wxaad yeelan kartaa caabuqa siilka haddii aad leedahy mid ka mid ah astaamaha soo socda:
- dheecaanka siilka ka duwan ka caadiga ah;
- dheecaan dareere ah oo ur qadhmuun;
- dheecaan badan oo sida biyaha u eeg ama cadaan ah oo burburiya.
- xunuunka muddada galmada;
- olol, cuncun ama guduudnaan siilka ah iyo aaga ku hareeraysan.
- xanuun marka la kaajayo;
- bararka faruurta farjiga ah.
Haddii aad u malaynayso inaad qabto caabuqa siilka, kala hadal wax ku saabsan iyada dhakhtarkaaga guud. Caabuqa siilka waxaa loo dawayn karaa si fudud. Dhakhtarku waxa uu ku siiyaa dawo qorid ah dawo ama kiriim.
Waydii dhakhtarkaaga guud haddii lamaanahaagu u baahanyahay in la baadho oo la daweeyo siiba,