Kondhomku waa qaabka ka hortagga uurka. Kondhomku waa rabadha khafiif ah taas oo la geliyo guska. Waxay ururisaa shahwada marka ninku biyo baxo.
Kondhomada waxaa la heli karaa iyagoo cabbiro kala duwan ah, iyaddoo ku xidhan adayga guska. Kondhomku waa inaanu aad u giijisnaan ama aad u debecsanaan
Sida loo gashado kondhomka
Gasho kondhomka ka hor gelinta. U samee qaabka soo socda:
- Hubi in taariikhda dhicida aanay weli dhaafin. Keliya isticmaal kondhomada summada tayada CE wata ee ku duubantahay.
- Ka jeex kiishka ka fur daloolka. Haku jarin maqas, mindi ama ilkaha oo ka feegignow cidiyaha dhaadheer. Kondhomku wuu jeeximi karaa.
- Dib u jiid buuryada haddii aan guska la gudin. Marooji caarada kondhomka si aad meel ugu banayso shahwada oo geli kondhomka guudka guska. Gusku waa inuu ahaan mid adag(kacsiga).
- Hubi in qarqarka la duubay ee komdhomku uu dibada yahay. Hoos ugu laab guudka guska oo dhan markaas ma siibanayso.
- Ka saar kondhomka guska ka dib biyo baxa. Tan samee marka gusku adagyahay.
- Qaba kondhomka girgirka oo hubso inaanay shahwadu daada.
- Ku xidh kondhomka guntin. Taasi waxay ka hortagtaa inay daadato. Ku tuur kondhomka la isticmaalay daasada qashinka.
Isticmaalka kondhomka hal mar.
Ha isticmaalin 2 kondhom isku wakhti. Kondhomku wuu jeeximi karaa.
Keliya isticmaal kuwa biyaha u leh saliid ahaan guudka kondhomka.
Aad la isuguma halayn karo marka si khaldan loo isticmaalo
Ka hortagga HIV iyo STI
Kondhomku sidoo kale waxa uu ka ilaaliyaa HIV oo waxa uu yareeyaa khatarta ah caabuqyada wata STI.
Kondhomka iyo kondhomka dhediga waa qaababka keliya ee ka hortaga uurka oo kaa ilaalin kara adiga kuwan,
Wada jir masuul uu ah.
Labbada lamaane waxay ma suul ka yihiin isticmaalka kondhomka. Kala hadal iyadda lamaanahaaga
Iibsiga kondhomyada
Waxaadka iibsan kartaa kondhomyada iyaddoon la qorin xaga farmasiga, farmasiile ama suuqa subarmaarkadka. Wakhtiyada qaarkood waxaad sidoo kale ka heli karaa baararka, naadiyada habeenka ama mishiinada iibka alaabta. Waxaad sidoo kale ka iibsan kartaa internadka.
Qiimaha kondhomka uu kala duwan yahay oo u dhexeeyaa 0,20 iyo 0,90 Euro. Kondhomada gaarka ah, tusaale ahaan oo leh ur gaar ah ama dhinacyo waa qaali.
Magangalya doonka ku jira xarumaha magangalya doonka waxay ka heli karaan xaga xarunta caafimaadka.
STI Aids Netherlands waxay samaysay warsida ku qoran luqaddo kala duwan oo wata macluumaad ku saabsan kondhomyada iyo STIyada. Warsidayaasha waxaa laga soo dejisan karaa websaydkooda.