Qaababka iska ilaalinta
- Kondhomka waxa uu ka ilaaliyaa HIV oo waxa uu yareeyaa khatarta in la qaado STI yada kale. Isticmaal kondhom marka aad samaynayso galmo siilka ama futada ah. Iska ilaali gelinta dhiiga ama shahwad afkaaga muddada galmada afka. Ha liqin iyaga Qaabkaas, khatarta qaadista HIV aad ayay u hoosaysaa.
- Keliya isticmaal shaygaaga waxa la isku muddo, ama shay cusub.
- Wax ka badan 99% ee dhammaan carruurta hooyooyinka qaba HIV, waxay dhashaan iyagoon qabin HIV, haddii hooyadu qaadato dawooyinka muddada uurka.
-
Dadka qaar si ka hortag ah waxay u qaadan karaan dawooyinka HIV. Daawaynta waxaa loogu yeedhaa PrEP.
Haddii aad qabto HIV oo aan la gu dawayn, waxaad kartaa inaad ku muddo dadka kale, xataa haddii aadan lahayn astaamo weli.
Xaalada degdega ah
Haddii lagu gaadhsiiyay HIV, waxaad qaadan kartaa dawo loogu yeedho 'PEP'. U qaado dawooyinkan sida degdega ah ee suuragalka ah (wax aan ka badnayn 3 maalmood ka dib gelida khatarta cudurka). Inta degdeg badan ee aad u qaadato, inta sare ee aanay jirin khatarta aad ku qaado. Waydii dhakhtar caawimo.
In dheeraad ah khatar uguma jiro cudurka.
Haddii aad u qaadato dawooyinkaaga HIV si sax ah, qadarka HIV ku jira dhiigaaga ( xamuulka fayraska) hoos ayuu u dhacaa. Dhowr bilood ka dib, in dheeraada lama raad raaci karo, in kastoo, fayrasku weli dhiigaaga ku jiro. Markaas in dheeraad ah ma awoodin inaad qaadsiiso qof kale HIV.
Hoosta xaaladaha qaarkood, waa kuu suuragal adiga inaad samayso galmo aan lahayn kondhom lamaanahaaga joogtada ah (xidhiidhka joogtada ah) kaas oo aan qabin HIV.
- Haddii aad u qaadato dawooyinkaaga HIV si sax ah maalin kasta, oo
- Haddii, ugu yaraan 6 bilood, qaadista fayriskaaga aan in dheeraad ah la ogaan karin, iyo
- Haddii xamuulka fayraska aad sido la eegay wax ka yar 6 bilood ka hor;
- Haddii aadan qabin STI oo dahaadhka xuubka afkaaga, futada, guska ama siilka aanay waxyeelo gaadhin.
La hadal dhakhtar iyo lamaanahaaga haddii aad doonayso galmo aan lahayn kondhom.
Daawaynta ka hortagga wadata dawooyinka HIV: PrEP
PrEP waa dawooyinka HIV ee ka hortegista cudurka HIV. PrEP ma beddeshokondhomka, sababtoo ah keliya kiniinka PrEP (Truvada) keliya waxa uu ka hortagtaa HIV oo kama hortagoo STI kale. Waa ilaalin dheeraad u ah dadka leh fursada sare ee ay ku qaadaan HIV.
Marka aad isticmaasho PrEP, waa inaad qaadataa 1 kiniin ah maalin kasta wakhti caadi ah ee aad doorato. Raga u galmooda raga kale waxay dooran karaan PrEP ka hor iyo ka dib galmada:
• 2 kiniin 2 ilaa 24 saacadood ka hor galmada futada iyo
• 1 kiniina 24 saacadood ka dib qaadashadaada kiniinka u horeeya, iyo ka dib 1 kiniin ah 24 saacadood ka dib.
Ka hor inta aadan bilaabin PrEP, waa inaad hubisaa inaadan qabin HIV. Waa inaad booqataa GGD ama dhakhtarkaaga guud wixii ah baadhitaan 3 bilood oo kasta.
Iibsiga PrEP,
Waxaad ka iibsan kartaa PrEP adoo wata dawo qorida dhakhtarka xaga farmasiga. Ma daboolaan caymiskaaga caafimaad oo PrEP waa qaali.
Xaalada degdega ah
Haddii lagu gaadhsiiyay HIV, waxaad qaadan kartaa dawo loogu yeedho 'PEP'. U qaado dawooyinkan sida degdega ah ee suuragalka ah (wax aan ka badnayn 3 maalmood ka dib gelida khatarta cudurka). Inta degdega badan ee aad qaadato, fursada sare ee aad u yeelato inaanu kugu dhicin. Waydii GGD ama dhakhtarka guud wixii caawimo ah.
Ma jirto khatar dheeraad ah oo caabuqa ah
Haddii aad u qaadato dawooyinkaaga HIV si sax ah maalin kasta, qadarka HIV ku jira dhiigaaga (xamuulka fayraska) wuu yaraadaa. Dhowr bilood ka dib, in dheeraada lama raad raaci karo, in kastoo, fayrasku weli dhiigaaga ku jiro. Markaas in dheeraad ah uma gudbin kartid HIV kuwa kale.
Hoosta xaaladaha qaarkood, waa kuu suuragal adiga inaad samayso galmo aan lahayn kondhom lamaanahaaga joogtada ah (xidhiidhka joogtada ah) kaas oo aan qabin HIV.
· Haddii aad u qaadato dawooyinkaaga HIV si sax ah maalin kasta, oo
· Haddii, ugu yaraan 6 bilood, qaadista fayriskaaga aan in dheeraad ah la ogaan karin, iyo
· Haddii xamuulka fayraska aad sido la eegay wax ka yar 6 bilood ka hor;
· Haddii aadan qabin STI oo dahaadhka xuubka afkaaga, futada, guska ama siilka aanay waxyeelo gaadhin.
La hadal dhakhtar iyo lamaanahaaga haddii aad doonayso galmo aan lahayn kondhom.