Waxaad samayn kartaa galmo marka aad uur leedahay.
Haweenka qaar ayaa waay doonayaan inay sameeyaan galmo badan marka ay uurka leeyihiin, kuwa kale waxay doonayaan wax ka yar:
- Dhowr bilood ee hore ee uurka, haween badan xiiso yar ayay u qabaan galmada, waxay dareemaan yalaalugo, daal iyo naaso xanuun badan. Lamaane badan sidoo kale waxay ka werwersanytihiin wax ku saabsan mustaqbalka oo waxay dareemaan walbahaar wakhtiga muddadan.
- Si kastaba ha ahaatee, siilka, kintirka iyo ibaha aad ayay u xasaasi badan yihiin. Haweenka qaarkood waxay dareemaan sidii oo ay galmo badan samaynayaan.
- Haweenka qaarkood, muddada galmada uurku aad ayay u xanuun badan tahay.
Raga qaarkood waxa ku adkaata inay u galmoodaan lamaanahooda uurka leh iyagoo ka baqanaya inay waxyeelaan uur jiifka.
Waxyeelo kuma aha uur jiifka.
Galmadu khatar kuma aha uur jiifka. Ilma galeenku waxa uu ilaaliyaa uur jiifka. Albaabka ilma galeenka ( afka ilma galeenka) wuu xidhanyahay. Shahawadu ma geli karto uur jiifka.
Tani khatar maaha ilma qubasho ah, laakiin galma ha samayn haddii ummulisadaada ama dhakhtarkaaga haweenku kugula taliyo inaadan samayn.
Galmadu way ka badan tahay gelinta. Waxaa jira noocyo kala duwan oo galmo ah. Sidoo kale waxaad kartaa inaad siigaysato, salaaxdo, duugto, ku dhegto ama aad la samayso galmada afka lamaanahaaga.
Meela kala duwan
Waxaad isku deyi kartaa meelo kala duwan oo ka raaxo badan oo ka xanuun yar

Iska ilaalinta STIyada
Kaga ilaali naftaada STI addoo isticmaalaya kondhomka. Waxaad qaadsiin kartaa uurjiifkaaga STI.