Haddii aad u malaynayso inaad qabto STI, waydii dhakhtarkaaga guud ama adeega caafimaadka dad waynaha ee degmada (GGD) wixii caawimo ah. STIyada waa in la daweeyaa si la isaga ilaaliyo saamayn aan wanaagsanayn oo ah caafimaadkaaga. La hadal dhakhtarkaaga guud ama xirfad yaqaanka caafimaadka xaga xarunta caafimaadka ee xarunta caafimaadka magan galya doonka markaasna/ waxay ku siin kartaa ta saxda ah ee dawaynta ah.
U raac daawaynta qaabka dhakhtarku kuugu sheego. Sii wad daawaynta xataa marka astaamahu ay qarsoomaan.
Waxaa jira noocyo kala duwan oo STI yada ah. Had iyo jeer ma laha astaamo. Waydii dhakhtarkaaga guud ama xirfad yaqaanka caafimaadka xaga xarunta caafimaadka ee xarunta magan galyo doonka wixii talo ah. STI kasta waxaa loo daweeyaa si ka duwan.
Dawaynta STI yada bakteeriyada leh
STIyada way sababtay bakteeriya, waxa ka mid ah:
- kalamiidya;
- jabti; iyo
- waraabow;.
Bakteeriyada STI yada waxaa lagu dawayn karaa antibiyootiga. Waxaad u baahantahay dawo qorid ka timid dhakhtarka. Ka dib waxaad ka iibsan kartaa dawooyinka xaga farmasiiga.
Muddada daawaynta, iska ilaali galmada marka aad weli leedahay astaamaha ama isticmaal kondhom si aad u yarayso khatarta ah qaad siinta qof kale.
Dawaynta STI yada fayraska leh
STI fayrasku sababo
STI yada fayrasku lama dawayn karo, laakiin astaamaha waa la dawayn karaa.
- Cagaardhowga B: waxay heshaa nasho ku filan. Haddii ay lama huraan tahay, dhakhtarku waxa uu qori karaa dawooyinka.
- Herbiska: haddii ay lama huraan tahay, dhakhtarka waxa uu qori karaa dawooyinka lagu daweeyo maqaarka biyahu galeen.
- Burooyinka xubinta taranka: dhakhtarku waxa uu qori karaa kiriim si aad u mariso burooyinka. Haddii ay lama huraan tahay, dhakhtarku waxa uu jaraa borooyinka isagoo dhammaan jaraya ama qaboojinaya.
Dawaynta STI yada dullinka leh
STI ay sababaan dulinku:
Isnadaamiska:
- Dhakhtarku waxa uu qori karaa kiriim si aad u mariso maqaarkaaga.
- Dhaq nigiskaaga, dharka, bijaamaha, go'a sariirta iyo tuwaalada maalin kasta heerkul gaadhaya ugu araan 60°C.
Caabuqa galmada ee dulinka:
- Waxaa lagu dawayn karaa antibiyootiga.
- Waxaad u baahantahay dawo qorida ka timid dhakhtarka si aad dawo u hesho.
Injirta:
- Dhakhtarku waxa uu qori karaa kiriimka si aad u mariso maqaarkaaga meelaha aad injirta ku leedahay.
- Dhaq nigiskaaga, dharka, bijaamaha, go'a sariirta iyo tuwaalada maalin kasta heerkul gaadhaya ugu araan 60°C.
La hadalka lamaanahaaga
Haddii aad qabto STI, la hadal lamaanahaaga. Haddii aad qabto noocyo STI yada ah, lamaanahaagu waxa uu u baahanyahay in la baadho oo la daweeyo siiba,
Addoo u digaya lamaanahaaga hadda waxaad sidoo kale ilaalisaa naftaada. Haddii STI gaagii la daweeyay oo aad mar labbaad galmo la samaysay lamaanahaaga kaas oo aan la dawayn, isaga ama iyaddu wuu ku qaadsiin karaa mar labbaad.
Galmo ha samayn muddada daawaynta STI ama isticmaal kondhom si aad u yarayso khatarta qaadsiinta lamaanahaaga.
Ha u digin keliya lamaanahaaga galmada hadda, laakiin lamaanayaashaadii hore iyo xidhiidhada galmada kale. Sidoo kale waxay qaadi karaan oo u gudbin karaan STI lamaanahooda(yaasha) iyagoon ogayn. Markaad u digto lamaanayaashaada galmada, waxaad caawisaa ka hortagga STI inuu in dheeraad ah faafo.
La tasho dhakhtarka ama kalkaalisada si aad u ogaato inta ay ahayd wakhtiga dib ah ee aad u baahantahay inaad tagto marka ay timaado u digista lamaanaha galmada. Haddii aadan doonayn inaad u sheegto lamaanahaaga ama lamaanayaashaadii hore inaad qabto STI naftaadu sidoo kale waad uga digi kartaa iyaga addoon magaca shegin, addoon sheegin magacaaga. Tana, waxaad booqan kartaa websaydka https://partnerwaarschuwing.nl/hoe-vertel-ik-het-mijn-ex-partner. Websaydka waxa alagu heli karaa afka Dhajka.
Waydii dhakhtarkaaga guud ama kalkaalisada xaga adeega caafimaadka dad waynaha ee degmadda (GGD) wixii talo ah.