Xakamaynta HIV
HIV lama dawayn karo laakiin waxaad ku xakamayn kartaa dawooyinka. Haddii aad qabto HIV oo si degdeg ah aad u qaadato dawada saxda ah, waxaad ku noolaan kartaa nolol caadi ah. Ma qaadi doontid AIDS oo waxaad xataa noolaan kartaa ilaa inta uu noolaado qof aan qabin HIV.
Waxaa jira dawooyin badan oo kala duwan oo aad qaadan karto. La taliyaha HIV waxa uu go'aan ka gaadhaa ta ay tahay dawooyinka adiga kuu wanaagsan.
Dawooyinka HIV waxay yeelan karaan saamayn xun. Kala hadal la taliyaha HIV wax ku saabsan kuwan. Caadi ahaan, saamaynta aan wanaagsanayn waa la daawayn karaa. Ha beddelin qadarka oo ha joojin qaadashada dawada.
U qaadashada dawooyinka si adag sida la qoray.
Dawooyinkan keliya waxay shaqeeyaan haddii aad u qaadato dhab ahaan qaabka dhakhtarku kuu sheego inaad u qaadato.
- Waxaad had iyo jeer qaadataa qadarka saxda ah ee dawooyinka:
- Waxaad qaadataa dawooyinka maalin kasta;
- Waxaad had iyo jeer qaadataa dawada isku wakhti maalin kasta;
- Waxaad had iyo jeer u qaadataa dawooyinka qaabka saxda ah,iyaddoo ku xidhhn dawooyinka laguu qoray. Tusaale ahaan: wata cunta ama aan wadan.
- Werligaa ha joojin qaadasahda dawooyinka addoon la hadal dhakhtarka ka masuulka ah daawayntaada, ama la taliyaha HIV. Daawaynta waxay u joogsan kartaa si ku meel gaadh ah oo waxay yeelan karta saamayn yaraatay.
In dheeraad ah khatar uguma jiro cudurka.
Haddii aad u qaadato dawooyinkaaga si sax ah maalin kasta, qadarka HIV ku jira dhiigaaga (xamuulka fayraska) hoos ayuu u dhacaa. Dhowr bilood ka dib, in dheeraada lama ogaan karo, in kastoo, fayrasku weli dhiigaaga ku jiro. Ka dib markaa ma jirto khatar ah inaad qaadsiin doonto qof kale.
HIV waa xidhiidh quman
Hoosta xaaladaha qaarkood, waa kuu suuragal adiga inaad samayso galmo aan lahayn kondhom lamaanahaaga joogtada ah (xidhiidhka joogtada ah) kaas oo aan qabin HIV.
- Haddii aad u qaadato dawooyinkaaga HIV si sax ah maalin kasta, oo
- Haddii, ugu yaraan 6 bilood, qaadista fayriskaaga aan in dheeraad ah la ogaan karin, iyo
- Haddii xamuulka fayraska aad sido la eegay wax ka yar 6 bilood ka hor;
- Haddii aadan qabin STI oo dahaadhka xuubka afkaaga, futada, guska ama siilka aanay waxyeelo gaadhin.
La hadal la taliyahaaga HIV iyo lamaanahaaga haddii aad doonayso galmo aan lahayn kondhom.
La hadalka dhakhtar
Waxaad si xo ah ula hadli kartaa dhakhtarada iyo kalkaalisooyinka Xirfad yaqaanada caafimaadku ma siin karaan macluumaad adiga kugu saabsan qof kale. Iyaga waxaa sharcigu ku waajibayay inay tixgeliyaan gaar ahaanshahaaga.