Astaamaha HIV aan la dawayn
Haddii uu qof qaado HIV, isaga ama iyada waxa uu yeelan karaa astaamaha soo socda:
- Todobaadada koowaad: isaga /iyada waxay heli karaan astaamaha shabaha hargabka, finan ama barar qanjidhada limifka
- Ka dib waxaa raacsan muddada aan astaamaha lahayn.
Haddii isaga ama iyadda aan laga dawayn HIV markaa:
- Wakhti ka dib (tani waxay noqon kartaa 2 sanadood ama wax ka badan) isaga /iyadda waxay heli kartaa cabashooyin cusub iyo /ama astaamo kala duwan oo cusub.
- HIV waxay weerartay nidaamka difaaca jidhka. Daawayn la'aan, qof qaba HIV waxa uu noqon doonaa AIDS dhowr sanadood ka dib. Nidaamka difaaca jidhka aad ayuu u itaal daran yahay in jidhka uu unuglaado cuduro kale oo badan. Cuduradan waxay keeni karaan dhimasho.
La noolaanshaha HIV marka la daweeyo
Inta degdeg badan ee lagu daweeyo qofka qaba HIV, inta yar ee halista ay cawaaqib ku yeelato /caafimaadkeedakiisa, Isaga /iyaddu waxa uu ku noolaan karaa nolol caadi ah oo waxa uu noolaadaa ilaa inta uu noolaado qofka aan qabin HIV.
Haddii qof qaba HIV la daweeyo, ugu badnaan ma jirtokhatar ah qaad siinta dadka kale dhexda galmada aan ilaashanayn.
Macluumaad badan oo ku saabsan helida daryeelka caafimaadka?
Xarumaha dawaynta HIV
Haddii aad qabto HIV, waa muhiim in lagu daweeyaa. Liiska xarumaha dawaynta HIV gudaha Netherlands.
Ururka HIV
Wixii su'aalo ah ee ku saabsan HIV iyo la xidhiidhka dadka kale ee qaba HIV
Dhakhtarka guud
Waxaad kala hadli kartaa dhakhtarka guud wax ku saabsan mowduuc kasta oo kalgacal. Haddii ay lama huraan tahay, dhakhtarka guud waxa uu kuu gudbin kara adiga xirfad yaqaan caafimaad oo takhasus leh. Qaxootiga la siiyay magangalyo (ku meel gaadh ah) waxay doortaan dhakharka guud ee degmadda. Magangalya doonka ku jira xarumaha magangalya doonka waxa kula tashan karaan dhakhtarka guud xaga xarunta.