IUD
IUD macnaheedu wax aweeya qalabka gudaha ilma galeenka la geliyto. Waxay la macno tahay ka hortagga uurka (qaabka ka hortagga uurka). IUD waa shay yar kaas oo dhakhtarka amadhakhtarka haweenku uu geliyo ilma galeenka. IUD waxay ka hor istaagtaa haweenaydu inay uuraysato ugu yaran 3 sanadood. Haddii haweenaydu qaadatay galmo iyaddoon isticmaalin IUD ama ka hortagga uurka ee kale, IUD weli waxay ka hortaggi kartaa uurka haddii la geliyo ilma galeenka haweenayda ilaa 5 maalmood ka dib galmada.