Unuga ukunta haweenka waxaa lagu kaydiyaa ugxan sidaha. Bil kasta unug ukumeed oo baaluqay ayaa ka baxa mid ka mid ugxan sidaha. Tan waxaa loogu yeedhaa soo saarida ukunka.
Dhuunta faloob waxay u qaadaa unuga ukunta ilaa ilma galeenka. Makaanka haweenaydu waxa uu isku diyaariyaa uur: xuubka dheecaanka gudaha makaanka waxa uu u koraa si uu helo unuga ukunta la bacrimiyay. Xuubka waxa uu u adeega shabkada unuga ukunka ( ku abqaalida).
Haddii unuga ukunto aanu bacrimin, haweenaydu uur malaha. Xuub dheecaan ah iyo dhiig ayaa ka yimaada ilma galeenka. Waxay uga baxaan jidhka iyagoo sii mara siilka. Tan waxaa loogu yeedhaa muddada dhiiga caadada.
Muddada dhiiga caadada waxay gaadhaa ilaa 3 ilaa 7 maalmood. Dhererka muddada way kala duwantahay haweenay kasta.
Bilowga muddada dhiiga caadada xuubka dheecaanka waxa uu bilaabo inuu koro oo wareeg cusub ayaa bilaabma.
Haweenaydu waxay isticmaali kartaa xafayada wayn ama tuwaalka nadaafada si ay u nuugaan dhiiga ka yimid muddada dhiiga caadada.
Muddada dhiiga caadada koowad
Haweenaydu waxay noqotaa mid rimi karta muddada baaluqida, guud ahaan inta u dhexaysa 11 iyo 15. Laga bilaabo wakhtigaas carruur ayay dhali kartaa. Inantu waxay ka rintaa sii daynteeda ukunta oo sidaas awgeed waxay uuraysataa ka hor muddeeda koowaad ee dhiiga caadada unuga ukunta maaha mid wax riminaya, waxay heshaa dhiiga caadada marka ugu horaysa. Xataa marka ay galmooto wakhtiga koowaad. way uuraysan kartaa
Joogsiga caadada: dhammaadka muddada dhiiga caadada
Haweenaydu waxay joojisaa helida dhiiga caadada inta u dhaxaysa 45 iyo 55. Da'da dhabta ah way kala duwan tahay haweenay kasta. Tan waxaa loogu yeedhaa joogsiga caadada. Haweenaydu ma uuraysan kartaa intaa ka dib.
Bilowga joogsiga caadada wakhtiga dhiiga caadada waa wax aan caadi ahayn. Wakhti ka dib gebi ahaan way istaagtaa. Joogsiga caada waxa uu gaadhaa laga bilaabo dhowr bilood ilaa dhowr sanadood.
Joogsiga caadadu waxa uu beddelaa soo saarida hormoonada dhediga. Haweenka qaarkood waxay la kulmi karaan raaxa darro. Tusaale ahaan: dareemida kulayl, isbeddelka dareenka, hurdo la'aan, waayida fekerka, madax xanuun iyo daal.
Ka hortagga uurka
Qaababka qaarkood ka hortagga uurka waxay ka hortagaan nuda dheecaanka inay ku korto ilma galeenka ama waxay ka hortagtaa unuga ukunto inuu bislaado (ugxan sameeyo) Xaaladaasna, haweeno ma dhiig baxaan, keliy waxay dhiig baxaan wax yar.
Galmada
Haweenka qaarkood waxay doonaan in loo galmoodo muddada dhiiga caadada, kuwa kale ma sameeyaan Haweenaydu waxa loo galmoon karaa muddada dhiiga caadeeda haddii ay doonto. Ma keeni doonto dhibaatooyin nadaafada ah.
Haweenay way uraysan kartaa muddada ay ku jirto dhiigeeda caadada hadii ay ku jirto muddada bacrimiska oo ay samaysay galmo aan la iska ilaalin. Haddii aadan hayn rabitaanka carruur ku haysato hadda, isticmaal ka hortaga uurka.