Waxaad ka soo wacdaa xariga dhakhtarka qoyska fiidkii ama sabtidii. Waxaad booqan kartaa xariga dhakhtarka qoyska haddii aad u baahan tahy caawima deg deg ah. “Deg-deg” waa cudurrada aan la sugyn karin maalinta shaqada ee xiga ee dhakhtarkaaga. Ka dib markaad wacdo, waxaa lagu go’aamin doonaa inaad tagto xariga dhakhtarka qoyska.
Xarunta Gudniinka Dhajku waxay fulisaa xalaalaynta innamada iyo raga.
Haddii aad qabto shaki khuseeya xad gudubka (guriga) waxaad ula xidhiidhi kartaa talo iyo caawimo.
Talo iyo taageerada xaalada gudniinka dhediga soo socda
Saacadaha la tashiga ee haweenka kuwaas oo lagu sameeyay goynta xubinta taranka dhediga.
Haddii aad ka yar tahay 25 sano jir, oo aad qabto su’aalo ku saabsan caafimaadka, galada, jirka, dareemaha, khamriga, maandooriyaasha, waxaad ku weydiin kartaa su’aasha iimayl ahaan, ama shakeysi ama waxaad ballan ka sameeyn karta aagaaga.
Goobta khaniisadaha, khaniisiinta, labba sinjiilayaasha iyo qofka sinjigiisa beddela. Haddii aad qabto wax su’aalo ah, waxaad ka waydiin kartaa iimayl ahaan, qoraal onlayn ahaan ah ama telefoonka.
Haddii aad tahay qof qabatimay khamrada, maandooriyaha ama galmada, waxaa lagaa dawayn karaan qabatinka. Halkan waxaad ka heli kartaa macluumaadka, taageerada iyo cinwaanada khuseeya daawaynta qabatinka.
Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xuquuqagaaha, waxaad la xidhiidhi kartaa miiska caawimada sharciga (juridisch loket) wixii ah la tashiga (telefoonka).
Veilig Thuis (‘Badbaado ku ah guriga’) waxay bixisaa macluumaad bilaash ah iyo talo xaalada dagaalka xidhiidhka lamaanaha ama qoyska.
Macluumaad, taageero iyo waxqabadyada bulshada ee loogu talagalay shaqsiyaadka LGBTI+ ee ku sugan xeryaha barakacayaasha.