U turjun:

La noolaanshaha ilmaha

Isbeddelada nolosha

Dhalida ilmaha waxay noqon kartaa madaalo iyo farxad.  

Waa caadi kadib marka aad ilmo dhasho inay noloshaadu isbeddesho

Waxaa dhacda inaad:

  • Dareen masuuliyadda ilmaha, kaas oo ugu tiirsan cunto, daryeel iyo jaceyl;
  • dareento amni daro oo baqato waxyaabaha ku saabsan caadifada ilmaha iyo baahiyaha. 
  • noqoto mid hurdadu ku yaraato sababtoo ah waxaad toostaa habeenka;
  • dhibaato kaa haysato naas nuujinta (hooyada);
  • aad ka werwero mustaqbalka;
  • aad iska dayso caaddooyinkii hore iyo balwadihii;
  • aad qorsahyso hawlaha si feejigan.

Nolosha bulshadda

Xidhiidhkaaga bulshaddu way isbeddelaan. Tusaale ahaan waxaad kartaa inaad:

  • doonto la qaadashada wakhti badan ilmahaaga;
  • barato dad cusub kuwaas oo sidoo kale leh carruur;
  • guurto oo hesho jaar cusub;
  • aad qorshayso wax badan hore: xidhiidhada qaarkood waxay noqon karaan kuwa aan yar adkayn.

Labbadaba hooyada iyo aabaha ilmahu waxay la kulmaan isbeddelo.

Isbeddeladu waa caadi. Waxay ku qaadataa wakhti in lala qabsado xaalada cusub.

La hadalka

Noqoshada waalid ahaan waa hanaanka barashada. La hadal qoyskaaga, asaxaabtaada, ama waalidiinta kale iyo dhakhtarkaaga ama umulisada. Way ku caawin karaan oo talo ku siin karaa. Sidoo kale la hadal lamaanaahaga wax kuu saabsan kala qeybsiga howsha iyo doorarka waxaad labadiinba rabtaan oo aad u baahan tihiin.