Naasaha
Haweenka waxay leeyihiin labo naas kuwaas oo jilcan oo ku yalla horaadka jirkooda. Naas kastaa waxa uu ka koobanyahay:
Baruur, qanjidhada caanaha sameeya iyo dhuumo ku jira naasaha:
- qaanjiro naasley ah: xubno yar kuwaas oo saara caanaha naaska;
- dhuumo: tuumbooyin yar oo caanaha u qaada xaga ibta;
Ibta iyo aaga ibta ee dibada naaska:
- ibta: wareeg yar oo ku yalla bartamaha naaska;
- iibta; wareeg madow oo ku yalla ibta.
Haweenay taagan Xoog saarida naasaha.
Qeybo ka mid ah naasaha waxay ku yallaan: 1. qanjirada naaasha, 2. .tuubyada
Qeybo ka mid ah naasaha waxay ku yallaan banaanka: 3. ibta, 4. wareega.
Shaqada naasaha
Naasahu waxay leeyihiin 2 shaqo:
- Haweenaydu waxay ku naas nuujisaa ilmaheeda caanaha naaska.
- Ibahu aad ayay u dareen badan yihiin. Taabashada ama salaaxida ibta ayaa naagta siin karaa raaxda galmada. Haddii ay naagtu kacsado, ibta ayaa adkaaneysa. Ibtu sidoo kale way adkaan kartaa sababo kale awgood. Tusaale ahaan: haddii haweenku ay qabow dareemaan.
Noocyada naasaha
Haweenay kasta naaskeedu waa kala duwanyahay. Naasahu way yaraan karaan ama waynaan karaan, wareegsanaan karaan ama sida beedka u wareegsanaan karaan. Waxay u eegyihiin waa u muhiim qaabka ay u shaqeeyaan.
Naaso kala duwan: naaso yar iyo kuwa caaro fiiqan.
Naasaha kala duwan: naaso waa wayn
Naasaha kala duwan: kuwa cabbir dhexe oo sida cambaruudka u eeg (sida beedka u yar wareegsan) naasaha
Naaso kala duwan: naaso cabbir dhexe oo wareegsan
Naasaha muddada uurka
Xiliga uurka naasaha waxay isku diyaarinayaan inay soo saaraan caanaha-naaska. Way:
- waynaadaan;
- noqdaan kuwa dareen badan oo wakhtiyada qaarkood xanuun badan;
- waxaa ay soo daadin karaan caanaha-naaska.