Xubnaha galmada ee raga ee gudaha
Xubnaha galmada ee gudaha jirka ninka (xubnaha galmada gudaha) waa:
- xiniinyaha;
- tuumbada ka dambaysa xiniinyaha;
- tuumbada shahwada;
- borostaydka;
- qanjidhada shahwada.
Ninka sidoo kale leh muruqyda misigta xaga xalka calooshiisa. Ma ahan xubnaha galmada laakiin waxay muhiim u yihiin fayo qabka galmada ninka iyo raaxda galmada.
Nin taagan. Yoolku waa uu saaranyahay xubinta galmada dibada ah.
Xubnaha galmada ee ninka gudaha waa: 1. Xaniinyaha, 2. ukunta xaniinyaha, 3. tubooyinka shahwada, 4. borostaytis 5. qanjirka shahwada.
Xiniinyaha
Ninka wuxuu leeyahay 2 xaniinyo: mid ayaa yaraan karaa mid kale ama ka hooseeya.
Xaniinyaha ayaa ku jira qooraha.
Waxay soo saaraan maaliyiin ah unugyada shahwada.
Tuumbada ka dambaysa xiniinyaha;
Ninku waxa uu leeyahay 2 tuumbo ka dambeeya xiniinyaha.
Mid kastaa waxa uu ku xidhanyahay xiniinyaha.
Unugyada shahwada waxaa lagu hayaa xiniinyada. Waxay sidoo kale ka kori karaan wax badan halkaa.
Tuumbada shahwada
Ninku waxa uu leeyahay 2 tuumbo oo shahwadeed
Mid kastaa waxay ku xidhan tahay tuumbada ka dambaysa xiniinyaha.
Waxay u soo qaadaan unugyada shahwada borostaydka.
Qanjidhka borostaydka
Borostaystiska wuxuu ka hooseya kaadi heysta. Waxay la cabbir tahay midhaha shaanida.
Dheecaan ayaa lagu daraa unugyada manida ee ku jira borostaydka. SI wada jir ah dheecaanka iyo unugyada manida ayaa sameeya shahwada. Xiliga biyo baxa borostaytiska ayaa iska qabaya wuxuuna soo tuuraya shahwada. Afaafka kaadi haysto sidoo kale waa uu soo ururaa isku wakhti Tani waxay ka hor tagaysa shahwada inay gasho kaadi heysta waxayna joojineysa kaadi ay daadato oo ay gasho shahwada.
Qanjidhada shahwada.
Ninku waxa uu leeyahay 2 qanjidhada shahwada ah. Waxay ku xigaan qanjidhka borostaytaka. Waxay ku daraan dheecaan badan unugyada shahwada.