U turjun:

Sawirka qaawan

Gudaha Netherdans, waa la oggolyahay hoosta xaaladaha in la daawado, iibsado ama la soo saaro sawirada qaawanida. Si kastaba ha ahaatee, sawirada qaaban ee carruurta waa sharci daro waxaa jira ciqaab darran oo daawashadeeda ah, haysashada, soo saarida ama la faafinaayo sawirada qaawan ee carruurta.

Maxaa sharci ah?

Waa sharci in:

  • si gaar ah loo daawado sawirka qaawanida sharciga ah;
  • la iibsado sawirada qaawanida sharciga ah;
  • soo saarida sawirada qaawan, ilaa inta sawirka qaawan oo sharci ah tahay oo qofka wayn ee ka qayb galayaa aqbalo.

Maxaa sharci darro ah?

Waa sharci darro in:

  • in la soo saaro sawirada qaawan iyaddoon lagula heshiin qofka wayn ee ka qayb gelaya;
  • samaynta sawirada qaawanida carruuta (tani waa sawiro qaawan oo ku lg leh dadka dhalinta yar ee ka yar 18);
  • iibsiga, qaybinta, soo dejinta ama daawashada sawirada qaawan ee carruurta.

Ciqaabaha:

Dadka dembiilaha ku ah falalka dembi ee la xidhiidha sawirada qaawanida ee carruurtu waxay heli karaan xukun xabsi ugu badan 4 sanadoo ah, ama ganaax. Haddii ay noqotay shaqo ama caado, xabsiga u gu badan waxa uu noqon karaa 8 sanadood