Nadaafada guska
Dhaq guskaaga maalin walba. Soo jiid yyubka oo ku dhaqo biyo. Haddii aad u dhaqdo guskaaga si caadi ah hoosta buuryada, gudniinka sababo sixada loogu talo galay lama huraan maaha.
Ha isticmaalin saabuunta cadarka leh. Isticmaal saabuun dhexdhexaad ah taas oo aan sababin cuncun. Way wanaagsantahay inaan la isticmaalin saabuun dhammaanba.
Raga qaar waxay iska xiiraan shuunka. Tan waxaa loo isticmala asbaabaha soo jiidashada, laakiin lama huraan uma ah nadaafada wanaagsan.
Nin dhaqaya dhalfada guskiisa isagoo dib u soo jiidaya buuryada. Ma isticmaalayo saabuun.