U turjun:

Ummulida dabiiciga ah

Xiliga dhalmada dabiiciga ah ilmaha ayaa ka dhalanaya siilka hooyada. Celcelis ahaan ummulistu waxay qaadataa inta u dhexaysa 10 iyo 12 saacadood ilmaha u horeeya. Ummulida 2aad guud ahaan waxay gaadhaa wakhti ka yar.

Ka hor inta uu ilmaha dhalanin, hooyadda waxay leedahay qabasho. Murqahah minka ayaa isku imaanaya. U wac umulisda marka aad foolaneyso, ama marka aad walacsan tahay.

Ummulida dabiiciga ah: haweenay dhalaysa ilmaheeda.

Isku soo ururka

Isku imaatinka waxay fureysa ilmo galeenka (alabaabka ilmo galeenka). Marka afka ilma galeenku si ballaadhan u furmo oo ku filan, waxaad diyaar u tahay inaad ummulisho.

Si loo yareeryo xanuunka muddada isku soo ururka waxaad kartaa:

  • inaad dhaqdhaqaado;
  • aad isticmaasho farsamooyinka neefsashada;
  • qubaysato ama tuush gasho si aad u nefisto;
  • hesho caawimo sida barkimo kulul ama kursi kubbad ah;
  • weydii xanuun baabi’iye bambada-PCA ama cirada dhabarka hoose. Mudditaanka waxaa la siin karaa marka aad fadhido ama aad jiifto.

Haweenka leh isku soo ururka.

Haweenay uur leh oo taagan. Xoog saaridu waa xubnaha taranka gudaha oo leh uur jiifka ku jira gudaha makaanka.

Isku soo ururku waxa uu ka dhigaa afka ilma galeenka, albaabka ilma galeenka inuu kala furmo.

Afka ilma galeenku si ballaadhan ayuu u furanyahay.

Marka afka ilma galeenku si ballaadhan oo ku filan u furanyahay, ilma yar waa uu dhalan karaa.

Dhakhtar ku muddaya dawada suuxinta dhabarka: mudditaan qaybta hoose ee dhabarka si ay u fudaydiso xanuunka muddada isku soo ururka.

Meesha ummulida

Waxaad kala hadashaa ummulisadaada meesha aad jeclaan lahayd inaad ku ummusho. Gudaha Netherlands waxaad dooran kartaa haddii aad doonayso inay ummulisadu kaaga ummuliso gurigaaga, gudaha cusbitaalka ama xarunta dhalmada. Haddii dhakhtarka haweenku la socdo uurkaaga, had iyo jeer waxaad ku ummushaa gudaha cusbitaalka.

Xiliga dhalmada, lamaanahaaga ama qof kale oo dookhaaga ayaa kula joogi karaa.

Umulisda iyo/ama kaaliyaha umulisda ayaa ku hagaya inta lagu jiro soo ururuida.

Ummulisada sidoo kale waxay baadhaa garaaca wadnaha ilmaha oo waxa uu sameeyaa baadhitaan gudaha si uu u dareemo haddii afka ilma galeenku uu si ballaadhan oo ku filan u furanyahay. Haddii afka ilmagaleenku uu si buuxda u furanyahay waxaad bilaabi kartaa riixida.

Intabadan, halka u dhexayso farjiga iyo siilka way dilaacdaa marka madaxiisu soo baxo. Ummulisadaada ama dhakhtarka haweenka ayaa toli doono.

Ilmahu waxa uu ka soo baxaa siilka. Jarmada xudunta.

10 ilaa 30 daqiiq dhalmada kadib, marka ayaa ka soo baxaysa jirka.

Aabbaha jaraya xadhiga xudunta ee ilmaha.

Mandheerta ka baxaysa jidhka haweenayda, 10 ilaa 30 daqiiqadood ka dib ummulida.