U turjun:

Dagaalka sharafta ku salaysan

Sharaftu waxay ka dhigan tahay inaad qiimo u leedahay naftaada iyo bulshada. Dadka qaar ayaa naftooda u doorta sida ay ugu noolaanayaan qaab sharaf ah. Dadka kale, waxaa go’aamiyay qoyskooda ama bulshadda. Xaadan, waxaad meteshaa qoyskaaha. Dhaqankaagu waxa uu saameeyaa dhammaan xubnaha qoyskaaga.

Qofka waxaa looga fekeri karaa inuu dhaawacay sharafta qoyska, tusaale ahaan:

  • qofka luminaayo bikronimadiisa;
  • xiriirka guurka hor;
  • la kufsaday;
  • baxsashada;
  • diidista guurkaGuurkaXaflada iyo qandaraaska sharci ga ah kaas oo sameeya xidhiidhka sharciga ah oo…Akhri wax badan la habeeyay;
  • muujinaya dhaqan laga helo mid aan la aqbali karin, sida aan tegayn guriga isla markaaba dugsiga ka dib ama xidhashada nooca khaladka ah ee dharka.
  • ka tagida lamanahooda ama qoyskooda.

Haddii sharafta qoyksa waxyeelo gaadho ama ay waxyeelo noqon karo, qoysaska wakhtiyada qaarkood waxay isticmaalaan xooga ama dagaal si ay u badbaadiyaan ama u soo ceshadaan sharaftooda. Qoyska wuxuu dareemaya in tani lagama marmaan tahay si loo sii wado inay qeyb ka noqdan bulshada ay ku nool yihin. Tani waa dagaalka sharafta ku salaysan.

Dagaalka sharafta ku salaysan waxaa mamnuucay sharciga.

Noocyada dagaalka sharafta ku salaysan

Dagaalka ku salaysan sharafta waxay qaadan kartaa qaabab badan, tusaale ahaa:

  • xakamaynta: inay fiiriyaan xubnaha qoysku oo aan loo oggolaan inay la baxdo saaxiibo ama samayso ciyaaro;
  • ciqaabta jidhka ah: in la laado, la garaaco;
  • ciqaabta nafsiga ah: in la caayo, loo hanjabo, qoysku waxa uu iska dhigaa sidii oo aad dhimatay ama aanad jirin;
  • guurka khasabka ah;
  • ku khasbida qofka inuu is dilo;
  • dilka.

Gudaha bulshadda, raga waxay leeyihiin xoriyad ka badan oo ka awood badni haweenka ah. Kaalimaha raga iyo haweenka (kaalinta jinsiga) aad ayay u kala duwan yihiin. Tani waa sababta inta badan haweenku ay dhibaneDhibaneQofka ka cawanaayo shay kaas oo aan ahayn qaladkooda.Akhri wax badan ugu yihiin rabashadaha ku saleysan-sharafta.

Wakhtiyada qaarkood raga ayay dhib ka soo gaadhaa dagaalka ku salaysan sharafta, tusaale ahaa: haddii ay ka hadlaan khaniisnimadooda ama aanay aqbalin guurka la habeeyay.

Dagaalka waxaa geli kara in ka badan hal xubin qoyska ah. Dembi falayaashu waxay noqon karan rag ama haween. Wakhtiyada qaarkood waxay noqon kartaa lamaanaha qofka kaas oo galo dagaalka.

Raadinaya caawimo

Haddii aad tahay dhibanaha dagaalka sharafta ku salaysan, raadi caawimo:

  • La hadal qof aad ku kalsoontahay.
  • La xidhiidhXidhiidhMarka 2 qof ay xidhiidh leeyihiin, waxay leeyihiin xidhiidhka midba midka kale. Waa…Akhri wax badan booliska ama ururka la gaaryeelay oo ka hadal wax ku saabsan dagaalka. Sida wanaagsan ee aad xaalada u sharaxdo, sida wanaagsan ee badbaadada loo damaana qaadi karo.