U turjun:

Xidhiidhka wanaagsan

Ma jiraan qeexitaan guud oo xidhidhka wanaagsan ah. Adiga iyo lamanahaaga ayaa go’aansanaya waxa uu yahay xiriirka wanaagsan ee labadiina idin fiican.

Dhinacyada muhiimka ah qaarkeed ee xidhiidhka wanaagsan waxay noqon karaa:

  • Sinaanta: labbadaba lamaaneLamaaneQofka aad la leedahay xidhiidh.Akhri wax badan way simanyihiin. Lamaanahayagu awood kuma qabsado ka kale;
  • Ixtiraamka iyo aqbalaada: adiga iyo lamaanahaaga waxaad tihiin labba qof oo kala duwan. Had iyo jeer waxaad noqon doontaa kuwa kala duwan oo waad aqbashaa tan;
  • Aaminida: waad is aamintaan oo isku kalsoonaataan;
  • Wada xidhiidhka: waxaad muujisaa dareenkaaga iyo rabitaankaaga;
  • Wakhtiga: aad wada qaadataan;
  • Xiisaha: waxaad wadaagtaan xiiso isku mid ah.

Nin iyo haweenay hab isa siiyay saaxiibtinimada

Dadka qaarkood, waa muhiin inaad is jeclaantaan gudaha xidhiidhka. Dadka kalena, xidhiidhka wanaagsan waxa uu ku salaysanyahay saaxiibtinimo.

Xidhiidhka wanaagsan waxa uu ku saabsanyahay sida aad labbadiinu dareentaan. Adiga iyo lamaanahaaga waxaad go’aan ka gaadheen haddii xidhiidhku uu wanaagsanyahay.