U turjun:

La hadalka lamaanahaaga

Qof walba wuxuu leeyahay filashooyin iyo rabitaano kala duwan xiriir walba waa kala duwan yahay. Si kata ahaate, waa muhiim xiriir walba labadda lamaane inay muujin karaan dareenkooda, rabitaankooda, iyo fikradahooda. Xataa haddii ay jiraan dhibaatooyin xidhiidhkooda ah ama dhibaatooyinka galmadooda nolosha ah, waa inay isku dayaan inay wada xidhiidhaan.

Lamaane hadlaya

Waxa laga wada hadlo

Tusida lamaanahaaga sida aad dareemayso waxay caawin kartaa inaad bilowdaan inaad wada hadashaan. Waxaad kala hadli kartaa waxyaabo badan lamaanahaaga. Tusaale ahaan:

  • riyooyinkaaga iyo qorshayaashaada mustaqbalka.
  • hawlaha aad jeclaan lahayd inaad samayso;
  • waxyaabaha aad ka jeceshahay lamaanahaag;
  • caruur in la dhalo ama aan la dhalin’
  • rabitaanadaada, xiisaha iyo darenada, waxaad jeclaan lahayd iyo waxa aanad jeclayn noloshaada galmada, farsamooyinka, xaasidnimada, iwm.;
  • werwerkaaga iyo cadhada: waxa aanad doonayn xidhiidhkaaga, xadadkaaga;
  • badqabka galmada: isticmaalka cinjirada iyo kaniiniyada kale ee ka hortagga uurka.

Lamaane ku wada hadlaya guudka sariirta wax ku saabsan isticmaalka ka hortagga uurka.

Sida loo wada hadlo

Haddii aad ka hadasho galmo ama xidhiidhka aad la leedahay lamaanahaaga:

  • dooro daqiiqad marka aad hayso wakhti kugu filan inaad hadasho;
  • isku day inay daan is canaanan;
  • ku adkow (ku dheg faahfaahinta) iska ilaali is faham la’aanta.
  • umuuji ixtiraam lamaanahaaga;
  • ka hadal dareenkaaga iyo rabitaanada iyo fahankaaga waxyaabaha.

Kala hadalka waxyaabaha kalgacalka ah lamaanahaaga way adagtahay. Aad ayay u adagtahay in lala hadlo lamaanahaaga, isku day inaad la hadasho qof aad aaminto ama waydii caawimo xirfadeed.