Doorashada lamaanaha
Netherlands, wuuu xor u yahay inuu doorto isaga ama iyada lamanaheed oo wuxuu go’aansanaya isaga ama iyada cida ay rabto inay guursato. Labbada lamaane waxay u baahanytihiin inay ugu yaraan ahaadaan 18 sano jir oo ay awoodaan inay ku guursadaan Netherlands. Guurka u dhexeeya lamaanayaasha aan qaan gaadhin ee lagu sameeyay dalka dibadiisa waxaa keliya laga aqoonsadaa Netherlands marka labbada lamaane ay ugu yaraan yihiin 18 sano jir.
Guurka qasabaka ah waxaa mamnuuca sharciga. Muwaadiinta Dutch ah ( ama qof ajanibi ah oo degan Netherlands) kaas oo ku qabsabaya qof uu rabin isaga/iyadda inuu guursado waxaa lagu xukumi doonaa ilaa 2 sano xabsi ah. Xataa marka khasbidu ay ka dhacday dibada Netherlands, dacwad oogida Netherlands waa suuragal. Xitaa haddii guur uusan sax u dhacin, qasbida ayaa weli ciqaab noqo kartaa. Khasabku waxa uu noqon karaa jidhka ama cilmi nafsi ahaan (hanjabaad ama cadaadiska dareenka). Haddii aad hayso su’aalo ku saabsan ama aad raadinayso caawimo, la xidhiidh Veilig Thuis.
Guurka la qaban qabiyo waa marka waalidka ama xubnaha qoyska kale ay doortaan lammaanaha ilmahooda. Marka labada lamaane si ay buuxda isugu raacaan inay si guursadan, labada waa inay ugu yaraan 18 jiraan sano, tani shaarciga guurka.
Haweenay ku dhegan lamaanaha ay dooratay