U turjun:

Xuubka bikirka

Xuubka bikrada waa unug yar oo ku wareengsan gudaha siilka, oo dhaw afka hore ee xubinta taranka. xuubka bikrada fsiilka ma wada xirna sababtoo dhiiga caadada waa inuu jir awooda inuu ka soo saaro siilka. Tani waa sababata ay had iyo jeer u leedahay af yar ama wayn. Xataa hablaha aan weligood loo galmoon. Si aad u dhif ah, girgirka aad ayuu u qaro wayn yahay oo waxay u dabooshaa siilka si buuxda. Tani waa dhibaato caafimaad oo lagu dhasho. Waxaa lagu xalili karaa nidaam qaliin oo yar.

Haweenay jiifta iyaddoo lugaha kala bixisay. Yoolku waa weeye xubinta taranka la arki karo.

Faahfaahinta xuubka bikirka gudaha siilka

Noocyada xuubka bikirka

Xuub kastoo bikir ah wuu ku kala duwan yahay qaabka iyo cabbirka:

  • Maqaarka waa uu dhuubnaan karaa ama adkaan karaa
  • Xuubka bikirku wuu jilicsanaan karaa, adkaan laraa ama laablaabnaan karaa.
  • Wuu dhuubnaan kara ama balaadhnaan karaa.

Xuubabka bikirka kala duwan: xuubabka bikirka leh af dhuuban.

Xuubabka bikirka kala duwan: xuubabka bikirka leh af cabbirkeedu dhex dhexaad yahay

Xuubabka bikirka kala duwan: xuubabka bikirka leh af wayn

Samanynta galma marka ugu horaysa

Marka haweenaydu samayso galmo wakhtiga u horeeya, xuubka bikirka wuu kala bixikaraa ama dilaacaa, laakiin tani had iyo jeer ma dhaco. xuubka bikrada siilka ayaa kala bixi kara ama dilaaci karaa, xitaa haddii ay naagtu weli bikro tahay. Xuubka bikirka maca caddayn karo haddii haweenadu ay tahay bikrad ama aanay ahayn.

Marka xuubka bikirku kala baxo ama dilaaco tani waxay yeelan kartaa xanuun yar. Si kastaba ha ahaatee, haweenka badankoodu ma ogaadaan. Haweenka qaarkiisa ayaa dhiig yar uu ka soo daadan karaa marka uu xuubka bikrada dilaaco. Haweenka badankoodu ma lumiyaan wax dhiig ah