Qaabka galmada
Sharcia Dutch wuxuu mamnuuca takoorka sababtoo ah dhaqanka galmada. Tusaale ahaan: shaqada, firaaqada, waxbarashadda, adeegyada guriyaynta.
Dambiyada qaar (sida waxyeelaynta hantida ama dagaalka jirka) aad ayaa loo ciqaaba haddii ay dhiiragelinayaan naceyb ka dhanka ah naag khaniis ah, rag khaniis, dadka labada jinsi utagada ama dadka labeebka ah.
Nertherlands, khaniiska ama lamaanaha khaniisadka ah ayaa is guursan karaa and sharci ahaan wada noolaan kara, ama qaadan karaa diiwaanka lamano nimada. Labo nin ama labo naag ayaa sidoo kale cunug wada yeelan karaa.
Lammaane khaniisado ah oo carruur wata.
Haddii aad dhibane u tahay dagaal sababtoo dhaqanka galmada ama aqoonsiga jinsiga, waad sheegi kartaa ama soo wargelin kartaa waaxda booliska gaar ah ee la dhaho Roze in Blauw (Pink in Blue). Waxaad sidoo kale wici kartaa, iimayl u diri kartaa ama qoraal kula xidhiidhi kartaa qof ka socda khadka tooska ah ee LGBT loogu yeedho Switchboard wixii macluumaad dheeraada ah.