Waa maxay STIyada?
Cudurada la isku gudbiyo galmada (STIs) waa cudurada la isugu gudbiyo galmada qofkaas oo loo galmooday qofka qaba cudurka STI.
Waxaa jira STIyo badan. Qaar ka mid ah STIs ayaa sababta bakteeriyo, kuwa waxaa sababo fayras ama noole. Astaamaha ama siyaabooyinka kuwaas oo laga baaray ama daawayay kuwaas oo kala duwan.
STIs caadi ahaan si degdeg ah uma baxaan. U tag dhakhtarkaaga guud ama adeegyada caafimaadka dadweynaha ee dowladda hoose (GGD) wixii daawayn ah.
STIyada waxaa sababay bakteeriya.
Qaar ka mid ah STiyada waxaa sababa bakteeriya. Waxaa sid fudud loogu daawayn karaa qalajiyaal.
- kalamiidiya;
- jabto
- isfiilato.
STI fayrasku sababo
STI yada kale waxaa sababa fayras. Inta badan waa la daawayn karaa:
- cagaarshowga B;
- Cagaarshowga C;
- herpes;
- HIV;
- HPV;
- honqorta xubinta taranka
STI ay sababaan dulin
STI yada qaarkood waxaa sababa dulin. STI yadan waxaa la isugu gudbiyaa xidhiidhka galmada ama maqaarka si fudud la isku taabsiiyo.
- finaanka;
- caabuqa kaadi mareenka tarikomoniyaysis; iyo
- noolaha yaryar shuunka
Iska ilaalinta STIyada
C injirka wuxuu ka ilaalinaya adiga iyo lamanahaaga HIV, kalamdiya iyo jabtada. Waxay yareysa khatarta caabuqa STIs-syada kale. Mar walba ma daboosho nabarada, finaanka, honqorada maqaarkaaga ama maqaarka lamanahaaga. Tan macnaheedu waxa weeya in aad weli khatar ugu jirto cudurka wata STI. Tallaadda ayaa sidoo kale difaaci karaa qaar ka mid ah STIs. Tusaale ahaan, cagaarshowga B.
Kondhomka
Daawaynta STI
Badanka STIyada waa la dawayn karaa. Waa la daawayn karaa ama astaamahooda ayaa baabi’i kara. STIs ayaa si xun u waxyeelayn karaa caafimaadka haddii aan la daawaynin. Waxaad sidoo kale qaad siin kartaa dadka kale.
Sida loo aqoonsado STI
STIyada inta badan ma laha astaamo cad. Had iyo jeer ma arki kartid haddii aad qabto STI. U tag dhakhtarkaaga guud, adeega caafimaadka dad waynaha ee degamda (GGD) ama xarunta caafimaadka xaga xarunta magan galya doonka haddii aad u malaynayso inaad qabto STI. Way ku baadhi karaan.
Caabuqa Siilka
C aabuqa siilka waa caabuqa ee siilka wuxuuna leeyahay astaamo la mid ah STI. Maaha STI Inta badan kuma qaadid cudurka dhexda galmada.