U turjun:

Waa maxay kondhomku?

Cinjirku waa goome yar oo kala jiidmaya kaas oo kor laga geliyo guska. Waxaad gelin kartaa kondhomka guska adag ka hor gelinta. Wuxuu ururiya shahwada marka ninka uu biyo baxo.

Kondhomka

Qaabka ka hortaga uurka

Waxaad isticmaali kartaa kondhom muddada galmada haddii aad doonayso inaadan ilma dhasho Qaab looga hortaggayo uurka

Ka hortagga HIV iyo STI

Kondhomka waxa uu ka ilaaliyaa adiga iyo lamaanahaaga HIV iyo badanka STI. Wuxuu yareyaa khatarta caabuqa STIs kale. Si kastaba ahaate, mar walba ma daboosho nabarada, finaanka, honqorada maqaarkaaga ama maqaarka lamanahaaga. Tan macnaheedu waxa weeya in aad weli khatar ugu jirto cudurka wata STI.

Isticmaal cinjir marka sameeyneyso galmada siilka ama galmada dabadda Tani waxay kaa ilaalin doontaa HIV oo waxay yaraysaa khatarta in la qaado STI yada kale.

Afka ha gashanin dhiig ama shahwo xiliga galmada afka. Tani waxay ka dhigtaa khatarta cudurka HIV mid yar. Isticmaalka kondhomka marka aad samaynayso galmada afka ah waxay yarayn kartaa khatarta qaadista STI.

Haddii adiga iyo lamaanahaagu aydaan doonay inaad isticmaashaan kondhonmka, la hadal dhakhtarkaaga guud wax ku saabsan in lagaa baadho STI ama HIV.

STI Aids Netherlands waxay samaysay warsida ku qoran luqaddo kala duwan oo wata macluumaad ku saabsan kondhomyada iyo STIyada. Warsidahan waxaa laga soo dejisan karaa websaydka STI Aids Netherlands. 

 

Iibsiga kondhomyada

Waxaad sidoo kale iibsan karta cinjirka iyadda oo aan laga qorin farmashiye, daawo yaqaan ama suuqweyne. Wakhtiyada qaarkood waxaad sidoo kale ka heli kartaa dukaamada kale, baararka, naadiyada habeenka ama mishiinada iibka alaabta. Waxaad sidoo kale ka iibsan kartaa internadka.

Kharashaadka cinirka wuxuu u dhaxeya 0.20 € iyo 0.90€. Kondhomada gaarka ah, tusaale ahaan oo leh ur gaar ah ama dhinacyo waa qaali. 

Waa maxay qiimaheedu?

Kondhomka dhediga

Waxaa sidoo kale jira kondhomyada dhediga.

Kondhomka dhediga