Iska ilaalinta STIyada
Isticmaalka kondhomka
Inta badan ISTs, waxaad hoos u dhigi kartaa khatarta caabuqa.
- Isticmaal cinjir marka sameeyneyso galmada siilka ama galmada dabadda
- Istimcaal cinjir haddii aad la wadaagto qalabka galmada dadka ama si fiican ugu nadifii biyo iyo saabuun. Tusaale ahaan: dildo, vibrator.
- Afka ha gashanin dhiig ama shahwo xiliga galmada afka. Tani waxay ka dhigtaa khatarta cudurka HIV mid yar. Marka aad isticmaalayso cinjika ama cinjirka ilkaha macmalka, waxaad sidoo kale yareyneysa caabuqa STIs-yada kale.
Kondhomka
Isticmaal cinjirka si naftaada iyo lamanaahaga ugua ilaaliso STIs iyo HIV. Haddii aadan doonayn inaad isticmaasho kondhom, kala hadal xirfad yaqaan caafimaad wax ku saabsan baadhitaanada STI iyo baadhitaanada HIV.
Waxaa sidoo kale lagaa ilaaliyaa STI haddii adiga iyo lamaanahaaga caadiga ah (xidhiidhka joogtada ah) labbadaba aan la idin ka heli baadhitaanka STI oo ay daan la samayn galmo dadka kale. Haddii adiga ama lamaanahaaga aad la samaysaan galmo dad kale, had iyo jeer isticmaal kondhom.
Cinjirka ayaa sidoo kale difaacaya uurka aan la rabin. Waxaa jira sidoo kale qaabab kala duwan oo ka hortagga uurka ah
Qaababka iska ilaalinta ee kale
- Keliya isticmaal shaygaaga waxa la isku muddo, ama shay cusub.
- Haddii aad uur tahay oo aad qabto STI, weydii talo dhakhtarka guud ama umulisda.
- Isticmaal cadeygaaga (cagaarshowga B), shukumaada go’yaasha sariirta (finanka shuunka iyo nabrada).
- Ma u beddela galmada lacag ama badeeco? Ama tahay nin u galmooda nin kale? Naftaada ka tallaal cagaarshowga B. Booqo adeega caafimaadka dad waynaha bulshadda (GGD) aagaaga.
Iska tallaal cagaarshowga B.
Keliya isticmaal shaygaaga waxa la isku muddo, ama shay cusub.
Haddii aad uur leedahay oo aad qabto STI, waydii dhakhtar wixii talo ah.
La hadalka lamaanahaaga iyo xirfad yaqaanka caafimaad.
Haddii aad qabto STI waxaad ku daaran kartaa dadka kale. Kala hadal lamaanahaaga wax ku saabsan iyadda oo Hubso labbadiinuba inaad u tagtaan dhakhtarka guud ama adeega caafimaadka dadwaynaha ee degamadda (GGD). Adiga oo ogeysiinaya lamanahaaga hadda waxaad ilaalinesa naftaada sidoo kale. Haddii STI gaagii la daweeyay oo aad mar labbaad galmo la samaysay lamaanahaaga kaas oo aan la dawayn, isaga ama iyaddu wuu ku qaadsiin karaa mar labbaad.
Galmo ha sameeynin inta aad qaadaneyso daawada STI. Ha ogeysiin oo kaliya lamanahaaga galmada hadda, laakiin sidoo kale ogeysii lamanayaashdii hore iyo dadka kale aad u galmootay. Sidoo kale waxay qaadi karaan oo u gudbin karaan STI lamaanahooda(yaasha) iyagoon ogayn. Ogeysiinta lamanaayasha galmada, waxaad gacanta ka geysan ka hortagto faafida STIs.
La tasho dhakhtarkaaga ama kalkaaliyaahaaga si aad u ogaato inta aad u baahan doonto marka aad u sheegeyso lamanayaashaada galmada. Haddii aanad rabin inaad u sheegto lamanayaashadada ama lamanayaashadii hore inaad qabto STI waxaad sidoo kale ugu digi kartaa si qarsoodi ah, iyadda oo aan sheegin magaca (adiga oo u marinaya partnerwaarschuwing.nl).
Lammaana hadlaya