Habka caadiga ah
Kadib mudada dareemaha kacsan ee jaceylka, waa caadi in la dareemo farxad yar ee jaceylka. Waa inaad si fiican isku baraatan oo aad xiriirka isla sii wadaan. Wada joogu waxa uu ka dib noqon karaa hab caadi ah
Dadka qaarkood, habka caadiga ah waa ku dhibaato, marka kuwa kale ay siin karto dareen dejin iyo damaanad ah. Si wanaagsan isu garashada iyo isla qabsiga sidoo kale waxay bixin kartaa dareenka degenaanta iyo amniga.
Haddii aad u malaynayso habka caadiga ah inuu dhibaato yahay, waydii naftaada:
- Sababtee ayay xidhiidhkaygu u noqday hab caadi ah? Waa maxay filashooyinkaagu? Maxaan doonaa si aad isu beddelo oo maxaan doonayaa inaan ka qabto?
- Ma kala hadlay lamaanahayga filashooyinkayga?
Haddii lamaanahaagu garanayo inay waxyaabahu kala duwan yihiin waxaad isku deyi kartaa inaad xalalka wada heshaan. Tani waxay ka dhigi kartaa xidhiidhkiina mid adag. Wakhti isku samaysta oo isku day inaad u samaysaan hawlaha cusub wada jir. Tusaale ahaan: wada baxa haddii aad dareentaan inaad inta badan guriga joogtaan. Waxaad sidoo kale isku deyi kartaan shay haddii aad dareento inay noloshaada galmadu caajis leedahay. Tani waxay noqon kartaa mid xiiso leh oo maad ah.
Beddelka habkaaga caadiga ah macnaheedu maaha dhammaadka xidhiidhkaaga. Sidoo kale uma eekid xiisaha ka baxsan xidhiidhka isla markaaba. Waydii naftaada waxay tahay waxaad dhab ahaan doonaysaa.
Noqoshada waalidka waxay beddeli doontaa xidhiidhkaaga aad la leedahay lamaanahaaga Wakhti isku samaysta.