Goynta Xubinta taranka dhediga
Guddniinka fircooniga waxaa sidoo kale lagu yeera guddniinga dumarka.
Goynta xubitan dhegida waxaa loo sameeyaa qaabab kala duwan.
- Qeyb ahaan ama gabi ahaan ka saarida weyb kintirka ee muuqan kartaa (nooca 1);
- Qeyb ahaan ama gabi ahaan ka saarida weyb kintirka iyo faruurta ee muuqan kartaa (nooca 2);
- Isku tolida faruurta siilka marka waxaa jiro meel yar oo furan tahay oo ay soo marto kaadida iyo dhiiga ayaa ka dhigi karaa jira (nooca 3),
- Dhammaan falalka waxyeelaynta kale ee xubnaha galmada muuqda ee haweenayda, sida wax ku muddista, wax ku darista, jarista, xoqida iyo gubbida.
Goynta xubinta taranka dhediga waxaa loo sameeyaa asbaabo dhaqan ah.

Haweenay jiifta iyaddoo lugaha kala bixisay. Yoolku waa weeye xubinta taranka la arki karo.

Xubnaha galmada ee naagta ee la arki karo waa: 1. faruurta banaanka, 2. faruurta gudaha 3. furista siilka, 4.kintirka. Meesha kaadidu marto (5) iyo futada (6) kama mid aha xubinta taranka.
Guddniinka fircooniga - Nooca 1: qeybta muuqan kartaa ee kintirka ayaa laga saaray.
Goynta xubinta taranka dhediga -Nooca 2: faruurta ayaa la jaraa.
Goynta xubinta taranka dhediga -Nooca 3: faruurta ayaa la isku tolaa.
Guddniinka fircooniga waxaa khatar ku yahay caafimaadka haweenka iyo gabdhaha. Qaar ayaa u dhiman karaa sababtoo dhiig baxa. Waxays sidoo kale keeni kartaa:
- werwer, walbahaar, naxdin iyo wakhtiyada qaarkood argagax.
- caabuqyada iyo cudurada;
- xauunka xiliga caadada marka ay kaadineyso;
- khatarta sare ee STIs iyo HIV;
- xanuunka badan iyo dhibaatooyinka dhalmada ee hooyada iyo ilmaha;
- dhalmo la’aanta;
- xanuunka badan eegalmadaiyo rabitaanka yar ee galmada.
Goynta xubinta taranka dhediga waa sharci darro gudaha Yurub. Waxaa mamnuucay sharciga.
Haddii lagugu sameeyay goynta xubinta taranka dhediga (gudniinka) ama aad ka baqanayso in lagugu samayn doono, la xidhiidh ururka ku takhasusay. Waxay awood u yeelan doonaan inay ku caawiyaan.