U turjun:

Helitaanka daryeelka caafimaadka

Netherlands waxaa jiro adeegyo iyo shaqaale badan oo ku caawin karaa haddii aad u baahan tahay macluumaad ku saabsan caafimaadka, haddii aad qabto dhibaato caafimad ama haddii aad ku jirto xaallad degdeg ah.

Markaad u baahato inaad caawimo u tagto waxay ku xidhantahay meesha aad ku nooshahay iyo sharcigaaga magan galyada. Netherlands, marwalba waa inad la tashataa dhakhtarkaaga guud marka hore marka aad jirato. Intaa waxaa dheer, dhakhtarka qoyska, waxaa jiro dhakhatariir ku takhasuus ahh oo degan Netherlands, tusaale ahaan isbitaalada. Waxay garanayaan wax badan oo ku saabsan hal qayb jidhka ah, tusaale ahaan wadnaha ama sambabadada, ama wax ku saabsan cudur gaar ah. Intaa waxaa u dheer dhakhatiirtan, waxaad sidoo kale tagi kartaa dhakhtarka ilkaha, indhahaaga ha baaro dhakhtarka inahaha, dhakhtarka jirka, umulisda, guriga xanaanahada, ururada daryeelka dhalinyarada adeeg caafimaadka dadweyne ee dowladda hoosee (GGD). Wixii adeegyada aan caafimadka ahayn, sida taageerada dhabta ah ama bulshadda dhexdeeda, waxaad utegi kartaa ururada wixii shaqada bulshadda ah.

Haweenay u tegaysa dhakhtar

Dadka degan xarunta mangalo doonyaasha (AZC)

Xarunta magan galya doonka waxay sisaa daryeelka caafimaad dhammaan magan galya doonka ku nool halkan, iyaddoon loo eegin sharcigooda magan galya doonka. Xarunta managalyo doonayaasha, waxay la tashan karaan dhakhtarka, umulisada, daryeelka dhalinyarada ama waxay u gudbin karaan isbtilaaka. Magan galya doonka waxay haystaan xaqa daryeelka caafimaadka la midka ah dadka Dhajka, waxaa lagu caymiyaa bilaash oo waxba ma bixinayaan. Dadka da’da yar ilaa dadka 18, daawaynta dhakhtarka ilkaha waa laga bixiyaa sidoo kale.

Dhammaan magan galya doonka qaba dhibaatooyinka caafimaad ama su’aal waxay iman karaan saacadaha la tashiga xaga xurunta. La tashiga koowaad inta badan waxa uu wataa kaaliyaha dhakhtarka. Kaaliyaha dhakhtarka waxa uu go’aamiyaa haddii aad uu baahantahay inaad aragto kalkaaliso ama dhakhtar guud. Caawimada dhakhtarka ayaa ballan adiga kuu samayn doonta. Waxaa sidoo kale laguu gudbin karaa cusbitaal.  

Maxaa la samaynayaa haddii aanan haysan oggolaanshaha degenaanshaha?

Qof kasta oo degen Netherlands wax ka badan saddex bilood iyagoon haysan oggolaanshaha degenaanshaha aan ansaxa ahayn waxaa looga fekeraa qof aan “sharci lahayn”. Dadka aan sharciga heysaniin ma caymin naftooda kharashka ku baxa daryeelka caafimaadka, laakiin waxay xaq u leeyihiin daryeelka lagama marmaanka caafimaada ahaan. 

Hoy gudaha degmadda ah (dadka la siiyay magan galyada)

Marka magangaloyo doonaaha la siiyo degnaansho, waxaa loogu yeera statushouder afka Dutch. Ururka dhexe ee soo dhowanta magan galya doonka (COA) waxa uu kuu magacaabaa degmo. Ka dib marka aad u guurto degmadda waa inaad iska diiwaangelisaa caymiska caafimaadka. Gudaha degmooyinka, tan wada jir ahaan ayaa loo abaabulaa. Haddii aad u baahan tahay caawintan, waxaad la xiriiri kartaa Dutch Council for Refugees. Intaa ka dib, waxaad iska diiwaangelin kartaa dhakhtarka guud. Waa inaad iska bixisa qaraanka caymiska iyo kordhinta caymiska caafimaadkaaga (eigen risico), iyo mararka qaar sidoo kale qaaranka shakhsiga ah ee dhanka kharashaadka daawada ama daaweynta (eigen bijdrage).

Bal ka waran daryeelka caafimaad ahaan lama huraanka ah?

Xaqa daryeelka caafimaad waa xaqa aasaasiga ah ee qof kasta, xataa dadka aan haysan oggolaanshaha degenaanshaha. Xaqa daryeelka caafimaadka lagama marmaanka ah waxaa lagu sameeyey sharci. 

Dhakhtarka wuxuu go’aaminaya haddii daryeelka caafimaadka daruuri yahay ama in kale. Daryeelka caafimaadka lama huraanka ah waxa uu ka badan yahay daryeelka aad ka heli lahayd waaxda gurmadka caafimaadka. Waxay noqon kartaa labada daawayn ama ka hortagga daryeelka ama dhakhtarka. Mabda’ ahaan, waxay ka koobantahay daryeelka lama huraanka ah oo habboon. Tan waxaa ka mid ah la tashiga ka hortagga uurka ama ilma soo ridka.

Dhakhtarka iyo shaqaalaha kale daryeelka caafimaadka waxay leeyiihin waajibaadka sharciga ah ay ku xushmeynayaan asturnaantaada oo ka dhigya macluumaadka adiga kugu saabsan qarsoodi. 

Haddii qof uu iska bixin karin kharashaadka daryeelka caafimaadka, dhakhtarka ama daryeel bixiyaha aad ku dhawaaqi karaa kharashaadka waaxda maamulka dhexe. Isbitaalada iyo farmashiyaasha waxay qandaraas la leeyiiin waaxda maamulka dhexe. Weydii dhakhtarkaaa isbitaalka gaarka ah ama farmashiye aad tagi karto.

Maxaan sameeyaa si aan u helo daryeelka caafimaad ahaan lama huraanka ah?

Haddii aad ku nooshahay Netherlands addoon haysan degenaansho joogta ah iyo addoon haysan caymis, waxaad leedahay xaqa aad ku hesho daryeelka caafimaad ahaan lama huraanka ah. Wixii ah daryeelka dhibaatooyinka aan nolosha halis gelinayn, waxaad la xidhiidhi kartaa dhakhtarka guud ama, fiidka ama dhammaadka todobaadka, saacadaha dhakhtarka guud shaqada ka maqan yahay (huisartsenpost) aaga aad ku nooshahay. Dhakhtarka guud waxa uu kuu gudbin karaa dhakhtar takhasus leh wixii baadhitaano dheeraada ah. Waxaad ku heli doontaa warqadda gudbinta tan. Xaalada shilalka xaaldaha nolosha halis gelinaya, waxaad tegi kartaa waaxda shilka iyo gurmadka xaga cusbitaalka. Isbitaalka oo leh waaxdan oo kale, ma u baahna soo gudbin. Haddii aad u baahan tahay amabalas, waxaad wici kartaa lambarka 112 oo lacag la’aan ah.

Waa maxay xuquuqahayga haddii aan haysto oggolaanshaha degenaanshaha?

Haddii aad deganansho, laakiin weli aad ku nooshahay xarunta magangalyo’ doonka, waxaad weli isticmaali kartaa adeegyada daryeelka caafimaadka ee xarunta.

Marka aad ka guurto xarunta magangalyo’ doonka, ee aad guurto dowladda hoose, waxaa laga diiwaangelinaya caymiska adeeg bixiyaha caafimaadka, aad hesho kaarka caymiska ee caafimaadka. Laga bilaabo hadda, waxaad isticmaali kartaa daryeelka caafimaadka degmadaada, oo waxaad iska diiwaangelisaa dhakhtarka guud. 

Bal ka waran xirfad yaqaanka daryeelka caafimaadka haddii aanu ku hadlin luqaddayda?

Inta lagu jiro joogitaankaaga xarunta’ mangan galyo doonka, turumaanada ayaa diyaar u ah la xiriirida shaqaalaha daryeelka caafimaadka.

Maxaad samayn lahayd haddii lagu siiyay magan galyo, aad ku nooshahay degmadda oo aad u baahantahay turjubaan wixii booqashada dhakhtarka ama cusbitaalka? Xaaladaas, kharashyada turjubaanka waxaa bixiya adeeg bixiyaha caafimaadka. Tan, adeeg bixiyaha caafimaadka (dhakhtarka guud, cusbitaalka ama adeeg bixiyaha caafimaadka) caadi ahaan waxay la leeyihiin qaban qaabo gaar ah turjubaanka ama adeega turjumaada. Sidii statushouder waxaad xaq u leedahay turjubaanka telefoonka marka aad aragto dhakhtarkaaga guud ee daawaynta ama la tashiga. Waxaad leedahay xaqan ilaa 6 bilood ka dib diiwaan gelinta degmadda. 

Waa muhiim inaad ogaato in turjubaanka:

  • uu xadaynayo qarsoodi ahaanshaha xirfadeed;
  • waxaan la hadli doonaa qofka koowaad (“I”);
  • uu dhexdhexaad yahay oo turjumo shay kasta oo la yidhi iyaddoon lagu darin, la beddelin ama laga tegin macluumaad;
  • uu bilaash u yahay bukaanka. 

Turjubaan turjumaya waxa xirfad yaqaanka daryeelka caafimaadka iyo macmiilku uu sheegayo