Guurka
Kumaa ku guursan kara gudaha Netherlnads?
Waxaad ku guursan kartaa Netherlands mid ka mid ah labada lamaane:
- inuu heysto dhalashada Ducth:
- ku leh degenaansho sharci ah Netherlands.
Nin iyo haweenay isku guursanaya hoolka magaalada.
Shuruudaha kala ee isku guursashada gudaha Netherlands.
- Labbada lamaane waa inay yihiin kuwa aan isqabin is furay (marka guurka uu si sharci ah u dhammaaday).
- Lamaanayaashu waxay noqon karaan qaraabo dhow (tusaale: walaalo iyo hablo walaalo ah oo aan is guursan karin).
- Labbada lamaane waa inay noqdaan 18 ama ka wayn.
Marka hal lamaane aanu degenayn gudaha Netherland, ama aanu haysan oggolaansho sharci ah, waxaa jira shuruudo dheeraad ah.
Guurka dadka isku sinjiga ah
Guurka isku jinisga ah ayaa sharci ka ahaa Netherlands tan iyo 2001.
Haddii hal lamaane uu leeyahay dhalashada wadan aqoonsada guurka isku sinjiga ah, sharci wadankaas kale waa lagu dabaqaa. Xaaladan, sharciga wadanka qofka kale laguma dabaqo. Tusaale ahaan: nin ka soo jeeda Uganada, waas oo mamnuuc ka tahay guurka isku -jinsi, wuxuu guursan karaa inka soo jeeda Dutch ama in wadan kale ka soo jeeda oo aqoonsan guurka dadka isku jinsiga ah. Sharciga Yugandha laguma dabaqo xaaladan.
Haddii aad doonayso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan guurka isku sinjiga ah, la xidhiidh qareen. Waxaad telefoon u diri kartaa Switchboard si loo helo qareen kaas oo khibrad u leh arrimahan.
2 nin oo isku guursanaya hoolka magaalada
Doorasho xor ah
Netherlands, qof walba waa xor waxay go’aansan karaan inay guursadaan cida ay rabaan. Guurka qasabaka ah waxaa mamnuuca sharciga.
Qof ku qasaba inuu guurso qof kale inuu guursado qof ay raali ka aheyn ayaa lagu xukumi karaa xabsi ilaa 2 sano ah, xitaa qasbidu ay ka dhacay dibadda. Xitaa haddii guur uusan sax u dhacin, qasbida ayaa weli ciqaab noqo kartaa. Khasabku waxa uu noqon karaa jidhka ama cilmi nafsi ahaan (hanjabaad ama cadaadiska dareenka). Muddada xadadka ee guurka khasabka ah waa 6 sanadood, oo waxa uu bilaabaa marka dhibanahu uu yahay 18 sanadood. Tan macnaheedu waxa weeye dhibanaha waxay uga warbixiyaan booliska ilaa da’da 24 sanadood.
Guurka la qaban qabiyo waa marka waalidka ama xubnaha qoyska kale ay doortaan lammaanaha ilmahooda. Marka labbada lamaane ay si buuxda u aqbalaan guurka, oo ay ugu yaraan yihiin 18 sano jir, tani waa guur sharci ah.
Lamaananimada diiwaanka gashan
Foomka sharci kale kaas oo lamaanaha isku keeni karaa waa lamaanimada diiwaangashan (wettelijk samenwonen). Lamaanaha diiwaangashan waa guur isku mid ah, sida kale guurka isku jinsiga ayaa surtogal ah. Waxaa jiro labo fariqa u dhaxeya guurka iyo lamaaniyada diiwaangashan: kaliya marka aad galayso guurka waa qabsan inaad qaado ballmaha guurka“waanl”/ “sameeyn doonaa”/, iyo diiwaangelinta lamaaniada waxaa ay ku dhamman kata maxkamadda marka aysan jirin carruur qaangaar ah.
Qandaraaska wada degenaanshaha
Marka lagu daro guurka iyo lamaanaha diiwaanka gashan, waxaad sidoo kale geli kartaa qandaraaska wada degenaanshaha haddii aad wada noolaataan. Waxaad ku qoran kartaan qandaraaska wada degeneenashaha nootaayo (notaris). Waxaad sidoo kale dooran kartaa inaad si rasmi ah u dejiso xidhiidhkaaga gudaha qandaraaska. Heshiiska wada noolaanshaha waa qasab haddii, tusaale ahaan, haddii rabto inaad la noolaato ceryta’lamanaaha. Kharashka qandaraaska wada degenaanshaha wuu kala duwan yahay nootaayooyinka.