Daryeelida muddada uurka
Wax cunidda
Dareenka u soo jeedi waxa aad cunto.
- Wax u cun si caafimaad leh: khudrad badan, khuddaar iyo xubuub (baradhada iyo rootiga) iyo waxyaabaha caanaha ka yimaada (caano iyo jiis);
- Wax badan oo qayb yaryar ah cun maalintiiba beddelka dhowr cunto oo wayn (way fududahay in la dheefshiido);
Cuntada qaar, carrada, qanshin ayaa waxaa ku jiri karaa jeermisyo khatarKhatarSuuragal ahaanshahashay aan farxad lahayn inuu dhici karo, yusale cudur.Akhri wax badan ku ah ilmaha caloosha ku jira (khatarta caabuga ee leh sumowga cuntada):
- Ha cunin ukunta qaydhin;
- Ha cunin hilib qydhin ama kalluun uumi lagu bisleeyay;
- Ha cunin hilib qaydhin ama hilib si dhex dhexaad ah loo bisleeyay. Dhaq gacmahaaga ka dib karista hilibka qaydhin;
- Cun jiista oo cab caanaha laga iibsado subarmaarkadka (may caanaha aan ala karin);
- U dhaq khudrada iyo khudaarta si wanaagsan;
- Xidho galoofyo haddii aad ka shaqayso beerta ama nadiifi sanduuqa bisada la seexiyo. Ka dib gacmahaaga dhaq.
Cabbitaanka
- Cab biyo kugu filan (1,5 ilaa 2 litir maalin kasta).
- Ha cabbin bun badan, shaah ama kookaha.
- Ha cabbin khamro.
Dawooyinka, dawada iyo faytamiinada
- Ha qaadanin wax daawo ah iyadda aanad weydinin umulisdaada, dhakhtarka haweenka ama dhakhtarka guud.
- Sigaar ha cabbin.
- Ha qaadan maandooriye.
- Qaado fitiniimada la dhaho “folic acid” inta lagu jiro 3 bilood ee ugu horeysa. Waydii ummulisadaada ama dhakhtarka haweenka iyadda. Waxaad bilaabi kartaa qaadashada marka aad qorshayso inaad uuraysato. Waxaad ka iibsan xaga farmasiga ama farmasiile.
Jimicsiga iyo nolosha dibada guriga
-
Noqo qof firfircoon: soco, baaskiil kaxee, dabaalo, iwm.
-
Naso marka aad daasho.
-
Ka joog qorraxda.
GalmoGalmoDhammaan falalka galmo ahaan dareenkaaga kiciya. Galmadu way ka badan tahay uu in…Akhri wax badan
Waxaad samayn kartaa galmo muddada uurka.
Haweenay uur leh oo galmo samaynaysa marka ay ku dul fadhido ninka.
Araga ummulisadaUmmulisadaQof tababaran kaas oo caawiya haweenka uurka leh ka hor, muddada iyo ka…Akhri wax badan
Ballan ka samayso ummuliso aagaaga ah sida ugu dhakhsaha badan markaad ogaato inaad uur leedahay. Ummulisadu waxay xaqiijisaa uurkaaga. Haddii aad uur leedahay, ummulisada ama dhakhtarka haweenka waxa uu kula socon doonaa adiga iyo uur jiifkaaga muddada uurka oo dhan.
Isla marka aad ogaato inaad uur leedahay, waxaad ballan la samaysan kartaa ummulisada aagaaga.