U turjun:

Waa maxay xuquuqaha galmada iyo taranku?

Xuquuqaha galmada iyo taranku waa qayb xuquuqaha aadamaha ah. Xuquuqaha isaanka waxay ku qoran sharciga iyo heshiisyada caalamiga ah, waxaa saxiixay inta badan wadamada caalamka oo dhan. Netherlands ayaa sidoo kale saxiixday waana inay xushmeysa xuquuqahan.

Xuquuqda galmada

Marka la xushmeeyo xuquuqaha galmada, dadka waxay u raaxeysanayaan qanacsananta iyo galmo badqab ah iyo xiriir jaceyl.

Tani waxay ka dhigan tahay xiriira inay xor ka yihiin rabashadaha ama dagaalka iyadda oo aan laga cabsanaynin caabuqa ama uurka aan la rabin.

Xuquuqaha taranka

Caafimaadka taranka waxay la xiriita uurka, dhalmada iyo go’aasanadaha hadddii aad rabto inaad carruur dhasho iyo in kale. Xuquuqaha taranka waa la xushmaynaya, dadka waxay doortaan haddii marka ay rabaan uur noqdaan, isticmaaka ka hortagga uurka ama iska soo rido.

Waa maxay kuwan xuquuqaha galmada iyo taranka aasaasiga ah?

Nolosha runta ah.

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho daryeelka caafimaadka ee ugu fiican ee la heli karo xiliga uurka iyo dhalmada. Xirfad yaqaanada daryeelka caafimaad waxay samayn doonaan dhammaan waxay samayn karaan si ay u ilaaliyaan nafta iyo caafimaadka iyo ilmahaaga. 

Xaqa xoriyada gaarka ah iyo badbaadada

Waa inaad maamushaa jidhkaaga iyo noloshaada galmada. Waxaad xaq u leedahay inaad ku raaxeysto jinisigaaga waxaad xaq u leedahay haddii aad rabto inaad dhasho carruur iyo in kale iyo inta aad rabto.

Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay dabeecada galmada dhaqanka xun inuu sharciga mamnuucay.

Xaqa sinaanta

Waxaad xaq u leedahay in si siman lagula dhaqmo oo aan lagu takoorin sababtoo ah qowmiyadaada ama wadanka asal ahaan ka soo jeedo, sababtoo diintaada ama aragtiyada siyaasadda, heerka caafimaadka, dhaqanka galmada, sababtoo ah waxaad tahay nin ama naag ama sabab walba oo suurtogal ah. Raga iyo haweenku waxay leeyihiin xuquuq siman.

Xaqa gaar ahaanshaha

Waxaad leedahay xaqa aad ku samayso doorashooyinkaaga ku saabsan galmada aan baqdinta lahayn ee falcelinta xun ama cadaadiska leh. Tan macnaheedu waxa weeye xirfad yaqaanda daryeelka caafimaadka iyo adeegyada bulshaddu waa inay tixgeliyaan gaar ahaanshahaaga. Waxaa ku waajibiyay sharciga inay macluumaadkaaga u hayaan qarsoodi. Waa mamnuuc in lala wadaago natiijooyinka baarista HIV dadka kale haddii qofka la baaray uu oggolaanshahan bixinin.

Xaqa xoriyada fekerka

Waxaad leedahay xaqa aadku haysato fikradaada ku saabsan galmada iyo caafimaadka galmada oo waxaad leedahay xaqa aad kaga hadasho iyadda.

Xaqa macluumaadka iyo waxbarashadda

Waxaad leedahay xaqa aad ku hesho dhammaan macluumaadka iyo waxbarashadda aad u baahantahay inaad daryeesho caafimaadkaga galmada iyo taranka. Tusaale ahaan: macluumaadka sida jirka u shaqaynayo, ka hortagga uurka ama caabuqyada la isku gudbiyo galmada (STIs).

Xaqa inaad guursato ama aanad guursan oo aad bilowdo qorshe qoys.

Qofna xaq uma laha inuu kugu khasbo adiga ama inay ku gaadhaan go’aandan magacaaga Waxaad dooraan kartaa cida aad guursaneyso. 

Xaqa carruur lagu dhalo ama aan lagu dhalin

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho daawada ka hortaggta uurka, sida kaniinka ka hortagga uurka, IUD ama cinjirada.

Xaqa daryeelka caafimaadka

Qof walba oo ku nool Netherlands, oo ay ku jiraan dadka aan heysanin sharciga deganaanshaha waxay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka. Haddii aad qabto HIV, dowladda Dutch ma kuu diri karto dawadaada halkaas oo aad ku sii wadan karain daaweyntaada.

Xaqa xoriyada isku imaanshaha iyo ka qayb galka siyaasadeed

Waxaad leedahay xaqa iyaddoo aad la jirto dadka kale aad kaga hadasho wax ku saaxab galmada iyo xuquuqaha taranka si aad u qaado tallaabo oo aad u hubsato in xuquuqahan la tixgeliyay. Waxaad leedahay xaqa aad wax ku wacyi geliso ama ku waydiiso siyaasi inuu sameeyo go’aamo si loo damaana qaado xuquuqahan.

Xaqa lagaga xor ahaado jidh dilka iyo dawo dhaqan xumada.

Waxaad xaq u leedahay inaad iska dhammaan noocyada dagaal ee la xiriira galmada, sida xad gudubka galmada, dagaalka galmada ama kufsi, ka ganacsiga bani’aadamka, ku xadgudubka ilmaha ama gudniinka fircooniga ah.